galmudugnews.com

Home » WARARKA » Garoonka Diyaaradaha Lambar 50 Oo Dib U Furmay

Garoonka Diyaaradaha Lambar 50 Oo Dib U Furmay

on Sep 20th, 2012 // No Comment

Views 16275

Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay dib loo furay garoonka diyaaradaha Lambar 50 kaddib markii uu in muda ah uu ahaa Al-Shabaab meel ay ku tababartaan.

Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose ee Dowladda Soomaaliya Cabdu Qaadir Maxamed Nuur Siidii oo la hadlaayay idaacadaha maxaliga ah, ayaa sheegay in markii ugu horreysay dhowr sano kaddib garoonka lambar 50 ay shaley soo caga dhigatay diyaarad u kireesan QM, taasoo magaalada Afgooye iyo deegannada ku dhow geesay gargaar.

Wuxuu sheegay in gobalka Shabeelah hoose uu hadda isku diyaarinaayo in sameeyo is badal weyn, taasoo lagu doonayo in uu gobalka ku noqdo siddii hore.

Gobalka Shabeelaha Hoose waxa uu ka mid ahaa gobalada dhawaan laga qabsaday Al-Shabaab kuwaasoo hadda xooggooda isku geeyay Kismaayo.

Gobalka ayaa dadka ku dhaqan waxa ay ka cabanayaan dhibaatooyin ay ku hayaan rag ku labisan dareeska ciidamada dowladda laakin arrintaas wax badan la qabtay sida uu sheegay guddoomiyaha gobalka Shabeelaha Hoose.

Magaalada Marka oo ah xarunta gobalka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay ka mid ahayd meelihii ugu dambeey ee la qabsaday Al-Shabaab, isla markaana waxa ay ka mid tahay meelaha uu dhaqaalaha badan ka soo gali jiray.

Waa markii ugu horreysay ee diyaar ad u kireesan QM ay ka soo degto garoonka  lambar 50, oo markii hore ahaa garoon uu ka soo dego qaadka la keeno Soomaaliya, sidoo kale garoonkan waxa uu markii dowladii dhexe ahaa garoon ay isticmaalaan ciidanka xooggan Soomaaliya oo ma ahayn garoon diyaaradaha rayidka ay isticmaalaan.

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.