Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyey inuu jiro heshiis dhexmaray dowladda Kenya & musharaxa madaxweynenimada Soomaaliya Cabdiweli Gaas, heshiiskaasoo ku saabsan in Kenya ay kala shaqeyso Cabdiweli inuu doorashada ku guuleysato, Cabdiwelina uu Kenya ugu deeqo qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.
.jpg)
Xildhibaan Max’ed Cali oo ka mid ah xildhibaanadaasi wuxuu sheegay in saacadaha soo socda ay saxaafadda u soo bandhigi doonaan nuqulo ka mid ah heshiiskaasi, wuxuuna tilmaamay in dowladda Kenya ay waqtiga lugaheeda ku walaaqeyso sidii ay Soomaaliya uga xaroobi laheyd xilliga KMG ah, looguna guuleysan lahaa in Soomaaliya ay yeelato dowladnino taam ah, si loo soo celiyo sharcigii & kala
.jpg)
“Safarkii Shariif Xassan uu ku tegay Kenya wuxuu ahaa mid ay u yeertay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, waxaana shirar is-daba joog ah la galay madaxda Kenya oo ay ugu horreeyaan hay’adaha sirdoonka, arrimaha dibedda & arrimaha gudaha, waxaana Shariif Xassan oo ka mid ah siyaasiyiinta xiriirka wanaagsan la leh madaxda Kenya lagu caddaadiyey inuu dowladda Kenya kala shaqeeyo sidii Cabdiweli Gaas ugu guuleysan lahaa xilka madaxweynenimada Soomaaliya, Shariif Xassanna wuxuu codsaday in la siiyo waqti uu kaga soo fikiro oo 3 cisho ah, balse waa laga diiday, waxaana culeys heer kasta ah lagu saaray inuu heshiiskaasi la saxiixdo Kenya, isagana la siiyo wasiir aan dhicin mar walba, & dhaqaale intii uu doono gaaraya, Shariif Xassan ilaa hadda heshiiska ma saxiixin, waayo wuxuu nin aad u yaqaan halka ay siyaasadu u gar-naqsaneyso, wuxuuna ogyahay xittaa haddii uu xildhibaanada Digil & Mirifle oo ah kuwa keliya ee uu isku haleyn karo marka laga reebo 10 xildhibaan in haddii uu yiraa codadkiina Cabdiweli siiya in aysan siineyn, sababtoo ah Cabdiweli ma ahan nin lagu aamini karo xil madaxweyne, tan kale ee in la ogaado ay tahay waa, in Cabdiweli loo doorto R/wasaare dad badan ayey (suprise) ku noqotay waana arrin xaqiiqo ah, dadkaasi 2 arrimood ayey ku sababeynayaan in Cabdiweli aanu istaahilin xittaa xil wasiir:
(1) Ma ahan shaqsi caafimaadkiisu wanaagsan yahay, labbo sano ka hor Cabdiweli dadkii aqoonta u lahaa ma rumeysan karaan in lagu aamini jago wasaaradeed, ilaa haddana wuxuu qaataa daawooyin kaalmaati ah. ninka ceynkaas ah oo la yiraa madaxweyne ayaad dal u tahay waa GEEL CALOOSHA LAGA RARAY!
(2) Cabdiweli waa nin qabali ah, oo xittaa cidda uu ka dhashay ee Majeerteen laflaf & jilib jilib u kala ficlaya, taasna dad badan ayaa marqaati ka ah, imisa jeer ayaa la arkay isagoo meel fagaare ah ku aflagaadeynaya xildhibaano Majeerteen ah oo uu leeyahay, adigu inan gumeed baad tahay, adigu laan-gaab baa tahay, waa nin mustawahiisu aad u hooseeyo, in qof ceynkaas ah laga dhigo madaxweyne waxey ka dhigan tahay Soomaaliya oo qabrigii loo raadinayey la helay, laguna aasay” ayuu yiri Xildhibaan Max’ed Cali, wuxuuna xusay in baarlamaanka federaalka loo qeybin doono heshiiska uu saxiixay Cabdiweli, ayna shirarkooda ugu soo horreeya looga doodi doono arrima la xiriira heshiiskaas.

