Xildhibaan Ibraahim Yarow oo ka mid ah siyaasiyiinta u ololeynaya musharax Dr. C/llaahi Axmed Caddow oo saxaafadda wareysi siiyey ayaa sheegay in maalmahan ay ka soconayeen hoyga uu degan yahay Dr. Caddow kulamo joogta ah oo uu la yeelanayo inta badan xildhibaanada baarlamaanka, wuxuuna xusay in xildhibaanadu ay si buuxda taageero ugu muujiyeen Dr. Caddow, isagoo musharaxa ku tilmaamay shaqsiga ugu haboon inuu xilkaasi qabto marka loo fiiriyo musharixiinta kale ee tartamaya.
“Haddii Soomaali badbaadinteeda & in dhibaatada laga baxo la doonayo xildhibaanadu waxey dooran doonaan Dr.Cabdullaahi Axmed Caddow, haddiise meel kale oo aan la ogeyn loo socdo taasi waa wax kale” ayuu yiri Ibraahim yarow, wuxuuna intaa ku daray in beesha caalamka ay soo dhoweyneyso in madax cusub ay soo baxdo, lana doorto siyaasiyiin dalka ku hogaamin kara siduu u soo ceshan lahaa nidaamkii & kala dambeyntii.
Ibraahim yarow wuxuu kaloo sheegay in Shariif Xassan aanu keligii ka dhicin jaranjarada siyaasadda, balse ay ku xigi doonaan musharixiinta kale ee ay soo wada-shaqeeyeen, wuxuuna tilmaamay in Sheekh Shariif & Cabdiweli aysan Shariif Xassan wax quman ka dambeyn doonin.
“Sheekh Shariif wuxuu marayaa waddadii uu maray Shariif Xassan, dadka siyaasadda naqdiya ee saadaalin kara marxaladda soo socoto waxey aaminsan yihiin in aysan suurtagal aheyn in Shariif Xassan uu keligii baxo, Sheekh Shariif & Cabdiwelina ay sii joogaan” ayuu yiri Ibraahim yarow, wuxuuna intaa ku daray.
“Caddow cid isla dhiririn karta ma jirto, Farmaajo haddii uu xil qaban karo shalay isagoo R/wasaare ah, oo Soomaali meel kasta oo ay joogto taageertay xilkii kama carareen oo Mahiga uma tanaasuleen, wixii uu shalay qaban waayey miyuu maanta qabanayaa.? ayuu is-weydiiyey Ibraahim Yarow.

