galmudugnews.com

Home » WARARKA » Ruqaansiga regime-yadii Africa iyo rajada Somalia

Ruqaansiga regime-yadii Africa iyo rajada Somalia

on Aug 30th, 2012 // No Comment

Views 16382

Tan iyo burburkii dowladii milatariga,aheyd ee somaliya waxaa isa soo tarayey cabashada somali badan oo ku xeel dheer arimaha siyaasada ey ka muu jinayeen faragali qaawan oo ey sheegeen in ey ku hayeen wadanka somaliya wadamo badan oo african ah kuwasoo ey majaraha u hayeen hogaamiyayaal kaligii talisyo ah shacabkoodana dulsaarnaa mudo badan una diiday wadamadaas in ey jaanis siiyaan aqoonyahano badan oo udhashay dalalkaas in ey soo fuulaan masraxa siyaasada,
somalia oo 20 sano faraha kula jirtay dagaalo sokeeye qalalaaso iyo amaandaro baahsan ayaa waxaa la sheegaa in kaligii talisyadii africa ey ahaayeen kuwo dadbka ka shiday wadanka somalia waxaana la sheegaa in eysan isku fikir ka aheyn, siyaasada,

somalia dal walibana uu si urabay doonayeyna koox gaar ah in ey hogaanka somalia qabato hadii eysan dhicina ey ku dadali jireen sidii ey u fashilin lahaayeen kooxda kale ee soo baxda,wadamadas sida ba,an wax looga saaray daganaasha la,aanta somalia waxaa ka mid ah uguna cad cadaa dalka masar, oo uu hogaminayey xusni mubarak mudo badan ,

dalka liibiya oo uu majaraha u hayey hogamiye qadafi mudo afartan sano ah , wadanka yamen oo uu madax ,aan lala maamulin ka ahaa cali cabdala salax mudo kabadan 30 sano, iyo ugu dambeyntii dalka ey fara galintiisu cadeyd milatari ahaan iyo siyaasadad ahaanba ee Ethopia, wadamadaas afarta ah ee halka masuul ku amar ku taagleyn jiray mudada badan waxa la sheegaa in ey ahaayeen kuwo kala taageeri jiray dhinacyada somalia siyaasad ahaan milatry ahaan iyo dhaqaale ahaan waana tan loo aaneeyo in ey somalia madaxa kor ugu qaadi weysey falanqeyayaal siyaasadeed ayaa ii sheegey in markasta oo la sheego in somalia loo qabanayo shir ey afduubi jirtay dowlad kamid ah dowladahaas halka kuwa kale ey darafta kale qabsan jireen iyagoo abuuro wax ka soo horjeeda dowlada ka soo baxda shirkaas eysan ku qanacsaneyn ayagoo u soo rara hubka nuucyadiisa uguna dara xataa dhaqaale,

waana mida sababta in ey afka ciida la gasho dowlad kasta oo loo soo dhiso somalia mudadii labatanka sano aheyd ,,inkastoo ey jiraan dhibaatooyinkaas ey regime yadu u geysteen somalia hadana waxaa ey mid,taas la mid ah ey u geysteen wadamadooda ayagoo madaxa uga istaagay cid kasta oo maamuulkooda war ka keenta , aduun waa geed harkiis oo labada galin midba geesjira ,ayey abwaano somaliyed yiraahdeene,

ragaas awoodaha badan ladul fadhiyay dadkooda iyo dariskoodaba waa loo wada jee daa halka ey maanta ku dambeeyaan sanadihii 2011 liaa 2012 waxey ahaayeen sanado ey nacaaw xurnimo dareemeen dadyowga ey kor fadhiyeen regime yadas , waxaana, mar qura bilowday dibadbaxyo rabshada iyo dagalo isku rogay kuna gilgilay hogamniyaal badan oo libaax leyrta jiifa isu haystay qasriyadii waaweynaa ee ey uga arimin jireen dadkooda waxey isku dayaan in ey caburiyan balse ciida ayaa la gadoontay ileen waa wax waqtigoodu dhamaadaye, cali cabdala saalax hogamiyihii yeman heeshiisyo badan oo uu lagalay dadkii ku kacay uuna isu dayey in dib uga laabto waxey dantu ku qasabtay markii rabshadihii ey gaareen heer uu ku dhimantago oo uu dhawac ka soo gaaray in uu ka huleelo xafiiska,.

qadafi oo ey mucaradkiisu gacan ka heleen ajaanib hub casri ah wadata waxuu ku dhintay asagoo aan qaadan karin in uu maalin cad ka baxo qasriyadii cajiibka badnaa, sidoo kale xusni mubarak markii uu shacabadan ku laayey ka hortagida kacdoon ka ayaa xoogii dalka masar ku amreen in uu kadago jagada madaama dadkii ey diideen, waxa kuwaasoo oo dhan ka duwan waxa hada ka dhacey Ethopia oo la rumeysanyahay in kacdoonku kaga dhici wayey ayadoo wadamo badan oo calamka ah ey ku beerlaxowsato ladagaalanka alqacidada bariga afrika, taassoo daah saartay halganka dad badan ey rabi lahaayeen in ey ku tuuraan regime ka, balse waxa tii ale ku timid hogaamiyihii xukunka ku dhaganaa kana midka ahaa regimeyadii africa males zanawi oo u geeriyooday xanuuno aan faah faahin badan laga bixin,isku soo wada duuboo , somalia soo uma muuqato mar hadii hogamiyashii hortaagnaa horumarkooda ey meesha ka baxen in ey somalia markaan haysato fursad ey halmeel isugu raacdo?

W/D Xasan Xusen Axmed
xasan75@hotmail.co.uk

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.