Jaaliyadda Galmudug ee Finland oo Kulan ay ku yeesheen Helsinki ku
cambaareeyey ismagacaabidii C/qeybdiid Kuna taageeray go’aankii uu
ka qaatay Madaxweyne Caalin iyo weliba baaq toban qodob ka kooban oo
ay kasoo saareen kulankooda.
Kulan balaaran oo ay maanta 4.8.2012 isugu yimaadeen jaaliyadda
Galmudug ee wadanka Finland kana dhacday magaaladda Helsinki ee
caasimadda wadanka Finland ayaa lagu cambaareeyey ismagacaabidda
dagaal-ooge C/qeybdiid, ayadoo islamarkaana lagu taageeray kulankaas
mowqifkii uu arintaas ka istaagay madaxweynaha talada haya Mudane
Maxamed Axmed Caalin.
Kulankaas oo ay kasoo qeybgaleen dhammaan qeybaha kala duwan ee
jaaliyadda ayaa mas’uuliyiintii halkaas ka hadashay waxaa ka mid
ahaa nabadoon Xuseen Faratol oo sheegay in C/qeybdiid uu yahay nin
tolka dhib weyn u geystay islamarkaana dakane aan la iloobi karin
dhexdhigay. ”C/qeybdiid waa nin tolka dhib weyn u geystay dakane
culusna dhex dhigay, waa ninkii kooxdii cakaaro labaxday hogaamiyaha u
ahaa oo dhiiga sacad ku faraxalan jirtey, sheegtayna inay dileen
hogaamiyaheenii qaaliga ahaa allaha u naxariistee Janaraal Caydiid
maantana u ololeynaya inuu dib qarxo dagaalkii Salbalaar iyo
Cakaaro” ayuu yiri nabadoon Xuseen Faratol.
Nabadoon Xuseen Faratol ayaa sidoo kale sheegay inaysan ka jaaliyad
ahaan aqoonsaneyn is-magacaabidda C/qeybdiid ayna u arkaan Fitno cidda
lagu soo dhex tuuray asagoo sheegay inay ku taageersan yihiin
mowqifkii uu arintaas ka istaagay Madaxweyne Caalin.
Waxgaradkii kale ee kulankaas ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamed
Muuse oo sheegay in C/qeybdiid uu weligiis ka shaqeynayey burburinta
Galmudug. ” waxaan idin leeyahay reer Galmudugoow shalay markaan
maxkamadii Furqaan dhisnay oo aan rabnay inuusan ciddaan dhib dambe
kusoo celin adinkaa sheydaan difaacay oo yiri waa wiilkeenii waa
halyeey ee maanta ayey idin haysataa, anagu waan ogeyn inuusan kheyr
keeneyn, wuxuu u shaqeynayaana maaha reer Galmudug ee cadowgooda, waad
maqleyseen in shirkii lagu dooranayey ay Puntland joogtay Faroolena
waa kii u hambalyeeyey” ayuu yiri Maxamed Muuse oo ka mid ah
odayaasha Jaaliyadda.
Waxaa kaloo asaguna halkaas ka hadlay Mursal Xaashi oo ah gudoomiyaha
jaaliyadda Galmudug ee wadanka Finland asagoo sheegay in jaaliyadda
Galmudug ee Finland ay ka mid tahay aasaasayaashii Dowlad goboleedka
Galmudug isla markaana ay tahay Finland meeshii fikradaas lagu
curiyey.
”Jaaliyadda Finland waxay ka mid tahay aasaasayaashii dowlad
goboleedka Galmudug, fikradii lagu curiyeyna waxaa iska lahaa reer
Finland, lacago badan ayaan ku bixinaa bil walba sidii horumar loo
gaarsiin lahaa shacabka iyo dowlada Galmudug mashruucyo badana waan u
abuurnay dadka degaanadaas degan sida waxbarashada, laakiin maanta
waxaan cadeyneynaa ineynaan aqoonsaneyn inqilaabka fowdada huwan ee uu
degaanka ka wado C/qeybdiid, maamulka kaliya ee aan aqoonsanahay waa
maamulka madaxweyne Caalin asaga ayaanan u marsiineynaa dhaqaalihii
aan ku taageeri jirnay horumarinta deegaanadaas inta laga helayo
maamul kale oo si sharci ah u badala” ayuu yiri gudoomiye Mursal
Xaashi.
Gabagabadii kulankaas ayaa waxaa laga soo saaray baaq 10 qodob ka
kooban:
1.Waxaan ugu baaqeynaa bulshada Galmudug iney midoobaan gacmahana is
qabsadaan fadliga bisha barakaysan ee ee ramadaan awgii islamarkaana
kala gartaan cidda dantooda wada iyo cidda dhibkooda ka shaqeyneysa.
2.In laga digtoonaado dagaal sokeeye oo dib looga dhex rido dadka
walaalaha ah ee islaamka ah.
3.Inaan la fiirin soor iyo sadbursi yar oo maalin la qaato ee la
fiiriyo mustaqbalka iyo masiirka ummadda.
4.in laga digtoonaado dhagarta ay wadaan kuwa waligood ku haminayey
iney dumiyaan Galmudug ayagoo soo adeegsanaya wejiyo kala duwan.
5.In shir deg deg ah leysugu keeno cuqaasha, waxgaradka, odayaasha,
aqoonyahanadda, ganacsatada, haweenka, dhalinyaradda iyo ciidamadda
Galmudug si looga tashado samatabixinta maamulka Galmudug.
6.In Jaaliyadaha dibadda ee Galmudug ay shir deg deg ah isugu
yimaadaan isla markaana mowqif mideysan ka qaataan arimaha socda,
anaga reer Finland ah ayaana diyaar u ah inaan kulankaas martigelino.
7.In aan laga ogolaan dadka doorasho been abuur ah ku mashquuliyey
ummadda ayadoo arintii soomaali weyn loo fadhiyo lana filayo in dowlad
soomaaliyeed oo taam ah kasoo baxdo, ayadoo musharixiin muhiim ahna ay
nooga qeyb galayaan rajo fiicanna laga leeyahay.
8.In doorashada Galmudug looga dambeeyo gudiga uu madaxweynaha
magacaabay xiligga ay u calaamadiyaan.
9.In ninkii doonaya inuu ka qeyb galo doorashadda madaxtinimadda
Galmudug uu sugto marka ay doorashada xiligeeda lagaaro dowladda hadda
talada haysana xiligeedu dhammaado.
10.In loo wado guntado balaarinta galmudug isla markaana aan la
ogolaan in sedexda mas’uul ee ugu sareysa maamulka ay noqdaan hal
beel oo kaliya taasoo ah mid kasoo horjeeda mabaadi’da Galmudug.
Wabillahi towfiiq.
waxaa diyaariyey :
Axmed Cabdullaahi
xidicadde150@hotmail.com
Helsinki Finland

