Ra’iisul wasaarihii ee dalka Ethiopia Melez Zenawi ayaa lagu soo warramayaa in uu geeriyooday xalay kaddib markii si rasmi ah u shaacisay dowladda Ethiopia, iyadoo toddobaadyadii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar la xiriira caafimadkiisa.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka soo xigatay telefishinka Ethiopia in Zenawi uu geeriyooday xalay wax yar ka hor lixda saac ee habeennimo.
Zenawi ayaan ka soo hormuuqan dhowr toddobaad warbaahinta, sidoo kale ma uusan ka qeybgelin kulankii Midowga Afrika ee bishii hore ka dhacay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.
Melez Zanawi oo ku dhintay da’da 57 jirka ayaa warar kula duwan sheegaya in uu ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Brusleless ee dalka Belgium halka kuwa kale ay leeyihiin dalka Germany.
Hailmariam Desalegn oo ah ra’iisul wasaare ku-xigeen ayaa si kumeel gaar ah u sii hayn doono xilka ra’iisul wasaarannimo dalka Ethiopia.

