galmudugnews.com
  • Home
  • About
  • Contact US
  • Riwaayado
  • Daawo Video Dahir Alasow oo abtirsaday
  • Daawo Wareysigii ugu xiisaha badnaa taariikhda oo Faysal Cali Waraabe lala yeeshay
  • Sheekha ugu weyn Wahaabiyada Daarood oo ku baaqay in cafis la weydiisto Ahlusuna
  • Sarkaal Mareexana oo Hawiye si xun u caayay
  • Daawo Video Ciidanka Dowladda oo Meyd ku dul fadhiya
  • Hees Jawaab Ikraan Nafyar iyo Cabdi Khasaaro – Fanaan King Khaalid
  • Daawo Suxufiyad war ka akhrineysay TV oo nin jecel ugu galay Istuudiyaha kadibna Live uga dhameeyay guur
  • Daawo Sheekh Reer Hargeysa ah oo Muqdisho habaaray
  • Universal Tv oo caro darteed bilaabay Barnaamij loogu dhega hadlaa Aamina Muse
  • DAAWO Fadeexad Siilaanyo oo Baska Dadweynaha ku tegay Hotelkii Istanbul+Boorsada uu xambaarsan yahay.
  • Daawo Madaxweynaha Uganda oo hees raaba qaaday
  • Daawo tumashada Marwada Madaxweyne Siilaanyo
  • Daawo Dagaalkii Garxajis Muuse Biixi leh “Anigoo wax dili kara duco qaadan maayo”
  • Daawo Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho kula kulmaya Ra’isulwasare Saacid
  • Daawo Fadeexada Siilaanyo oo garan waayay Wasiiradiisa
  • Daawo xiisadii ka dhalatay heshiiskii Ankara oo cirka isku shareertay
  • Daawo gabadh u dhalatay beesha Daarood oo heer kulkeeda qabyaalada meel xun gaaray
  • Daawo Beelaha Habarjeclo iyo Arab oo laba xaflad ku qabsaday Holland kadibna saqdhexe isku duulay
  • Daawo Ra’isulwasaraha Ingiriiska oo rajo tiray Somaliland
  • Daawo Xasan Dahir Aweys oo Ahmed Godane ku sifeeyay fidno wade laayay culumadda
  • Daawo Wasiir salaami diiday Wasiir Khaarijiga UK William Hauge
  • Home » WARARKA » Topnews:- Shirkadda Somtel oo Internet-keeda ka xanibtay boqashada Website-yo taabacsan Khaatuma iyo Awdal State

    Topnews:- Shirkadda Somtel oo Internet-keeda ka xanibtay boqashada Website-yo taabacsan Khaatuma iyo Awdal State

    on Aug 20th, 2012 // No Comment

    Views 16575

    Shirkadda Internet-ka iyo telefoonada bixisa ee Somtel Dahabshiil Groups ayaa guud ahaan adeegeeda Internet-ka block ama xanibaad ka saartay Website-yada taabacsan Maamul goboleedyada Awdal State ,Khaatuma State iyo Galmudug State.

    Inta la xaqiijiyay Somtel Somaliland waxay adeegeeda ka xanibtay 30Websites oo 16 ka mida yihiin kuwa taabacsan maamul goboleedka Khaatuma State of Somalia sida ay xaqiijiyeen tifaftirayaasha Website-yada iyo wariyeyaasha jooga Buhodle.

    Tifaftiraha Website-ka Afbakayle Mr Cadnaan Saalax  oo Warbaahinta la hadlayay ayaa yiri ” Internet-ka somtel Laascaano iyo Buhodle lagama booqan karo dhamaan lix iyo tobanka Website ee Khaatuma state,sidoo kale lagama booqan karo Website-yada aan kuu sheegay sida Sunatimes iyo Waagacusub laakiin qaar ka mida website-yada waxaan ka geli karnaa kaliya Telesom internet”

    Tifaftirayaasha Kalshaale.com Xamse Xasan iyo Boocame.com Axmed Darwiish ayaa shirkadda Dhiigshiil ku eedeeyay inay fulineyso siyaasadda maamulka beeshooda ee Ahmed Siilaanyo.

    Website-yada Khaatuma State taabacsan ayaa  Internet-ka Somtel looga xanibay inay bulshada akhrisan warbixinadooda khaatumeysan,waxayna kala yihiin

    1- khaatumo.com

    2- Allssc.com

    3- boocame.com

    4- Boocameonline.com

    5- Realtaleex.com

    6- Nugaalmedia.com

    7- horufadhi.com

    8- afbakayle.com

    9- lasanod.com

    10- xargaga.net

    11- holhol.net

    12- kalshaale.com

    13- Ceegaagmedia.com

    14- Jidbaale.com

    15- Buhodle.net

    16- Khaatuma.com

    Isgaarsiinta Somtel oo hoos tagta Shirkadda Dahabshiil Groups waxay sidoo kale Block saareen Website-yada taabacsan Maamul goboleedka Awdal State kuwaas oo kala ah.

    1- Sawnews.net

    2-awdalnation.com

    3- awdalstate.com

    4-awdal.so

    5- heemaalnews.com

    6-Samaronmatters.com

    7-Harowo.com

    Isgaarsiinta Dahabshiil ee Somtel Somaliland waxay hore u xanibtay booqashada Website-yada Galmudug State iyo kuwa madaxbanaan waxayna kala yihiin.

    1- Galmudugnews.com

    2- Galmudugtv.com

    3-Qurbejoog.com

    4-Beeldeeq.com

    5- Waagacusub.com

    6-Halbeegnews.com

    7- Sunatimes.com

    Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa Shirkadda Dahabshiil ku eedeeyay inay dagaal xoogan kula jirta madaxbanaanida Saxaafadda ku hadasha afka Somaliga.

    “Dahabshiil Groups waxay laba laabtay caburinta Saxaafadda madaxabanaan ee Somalia  sidaas darteed waxaanu ku guda jirnaa dacwad Caalamiya taas loo gudbiyay Qaramadda Midoobay waaxda qaabilsan ilaalinta xoriyada Saxaafadda madaxabanaan”ayey tiri Xoghayaha guud ee ASSOCIATED SOMALI JOURNALISTS Mrs Fadumo Farah.

    Fadlan hadii aad tahay Wariye caburin ama tacadi kala kulmay Dahabshiil Groups la xiriir info@asoj.org.

    Topnews:- Shirkadda Somtel oo Internet-keeda ka xanibtay boqashada Website-yo taabacsan Khaatuma iyo Awdal State

    Leave a comment

    You must be Logged in to post comment.