Galmudugnews.com – Hogaamiye kooxeedka Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa reerka uu ka dhashay ku beer laxawsanaya in Madaxweynenimada Galmudug loogu diidan yahay jufada uu ka dhashay ee Reer Hilowle halka dadka qaarna ku doodayaan in beesha Sacad neceb yihiin Cabdi Qaybdiid laakiin hadaladaan oo dhan waa kuwa xaqiiqada ka fog.
Beesha Reer Hilowle sow maaha Ciiltirayaasha beesha Sacad?
Ma jirto Colaad u dhaxeysa bulshada ku abtirsata beesha Sacad Habargidir ,waxaana ka marqaatiya in wiilashii uu isku dilay Cabdi Qaybdiid ee Villa Somalia iyo Seybiyaano hal talis iyo hal taliye maanta leeyihiin.
Beesha Reer Hilowle waa hormuudka beesha Sacad hasse yeeshee Garaad xume ku abtirsada waa gedii lagu yaqiin.
Beesha Sacad Cabdi Qaybdiid miyeey neceb tahay mise isaga Sacad neceb?
Cabdi Qaybdiid oo lagu xasuusto inuu yahay ninkii iska horgeeyay beesha Sacad ee Colaada lagu hoobtay ka dhex riday wali beesha uu ka dhashay ma necbo laakiin isaga neceb beesha Sacad horumarkooda,sababtana waxaan u hayaa cadeeyn buuxda.
Cabdi Qaybdiid markii lagu xiray Sweden guud ahaan beesha Sacad Habargidir dal iyo dibad ma harsan mana hoyan ee waxay ku jireen halgan ay ku dalbanayaan in la sii daayo hogaamiyahooda.
Guud dhalinyarada beesha Sacad kuwii uu aabahood dilay iyo kuwii uu colaada u adeegsaday waxay safka hore ka galeen dagaalkii Cabdi Qaybdiid kula jiray Xoogagii Maxaakiimta.
Ciidamadii beesha Sacad oo dhan waxay aqbaleen inay hoos tagaan oo isaga ayey ka wada amar qaadan jireen xilligii uu ahaa Wasiirka TFG ama Taliyaha Boliiska.
Sedexdaan dhacdo waxay ka marqaati kaceeysaa in beesha Sacad necbeyn Cabdi Qaybdiid balse isaga ayaa neceb beeshiisa taasna waxaan idiin hayaa cadeeyn buuxda .
Cabdi Qaybdiid wuxuu ahaa ninkii burburiyay Dowladii Salbalaar ee Jeneral Mohamed Farah Caydiid xilli halgankii lagu jiray mudada dheer mira dhalay.
Cabdi Qaybdiid wuxuu ahaa ninkii hogaaminayay ee abaabulay dagaalkii beesha Sacad u dhaxeeyay.
18 sano kadib Cabdi Qaybdiid wuxuu dib boorka uga jafay qorshahiisii burburinta horumarka beesha Sacad,.
Maamulka Galmudug lixdii sano ee la soo dhaafay wuxuu ku tilaabsaday guul siyaasadeed hasse yeeshee maalintii uu aqoonsiga helay ayuu Cabdi Qaybdiid ku dhawaaqay inuu yahay Madaxweynaha Galmudug.
Cabdi Qaybdiid maaha DHISE laakiin waa BURBURIYE?
Oraahdaan waxaa ka marqaati kacaya in Qaybdiid gulufkiisu yahay sidii uu beesha Sacad mar labaad indhaha uga ridi lahaa !!
Mohamed Farah Jimcale iyo Ahmed Ducale Geelle Xaaf ayey beesha Caalamka diiday inay ka mid noqdaan baarlamaanka cusub ee Somalia sidaas darteed makula tahay caqli gal in Caalamka aqbalayo Cabdi Qaybdiid oo sheeganaya Madaxweynenimada Galmudug? Jawaabta waa mid cad.
Beesha Reer Hilowle waxay jaanis u heystaan inay Masuul hogaamin kara Galmudug la yimaadaan laakiin Madaxweynenimada Cabdi Qaybdiid Masjidka Cabdalle iyo Cawareere lagama dhihin Marxaba,taqabal,kuwa u duceeyayna ducadooda samada lagama dhihin Aamiin, Bulshada Sacadna kuma farxin.
Burburiye Cabdi Qaybdiid waxa laga fishaa waa inuu ku geeriyoodo colaada uu abaabulkeeda ku jiro maadama uu ka baxay balantii uu qaaday ee ahayd inuu Dagaal Sokeeye oo dambe ku lug yeelan doonin.
Dowladnimada maaha Galkacyo ka tag ee Ceelguula tag,adigoon Gelinsoor cag dhigi Karin.
Dowladnimada maaha ,Guri Galkacyo ku yaal uga dhawaaq Wasiiro ,adigoo Wasiirka Kaluumeysiga Kheyraadka badda iyo Dekadaha u magacaabaya Taksiile ku wareeray London oo magacyo badan loogu bixiyay fudeedkiisa,aqoondaradiisa iyo dadnimo xumadiisa.
Cabdi Qaybdiidoow maanta maaha shalay,shalayna maaha maanta,waxaan kugula talin laheyn inaad noqotid dhise u tanasula bulshadiisa halka aad ka tahay Burburiye mar walba astaan u noqday burburinta dadkiisa.
Cismaan Caato,Xuseen Caydiid,Cabdi Shukri,Mohamed Farax Jimcaale,Axmed Xaaf inteey garteen garo ,oo damacaada waalan dawadiisa cab.
Taladeyda ugu dambeysa waxay tahay inaad Gogol nabadeed dhigtid,bulshada Sacad ku casuuntid,kana dalbatid Cafis iyo in la is saamaxo ,taasina waa jaaniska kaliya ee maanta aad ku sii noolaan kartid .
Hadii aad taladaan diidid gacan Cadaw ayaad geli doontaa maadama aan ogahay ragga habeen iyo maalin dacwada kula dabajooga iyo xiriirkooda Caalamka.
Wiil aad adeer u tahay ayaad sababsan doontaa gacantiisa,oo xabad uu riday ayaa xabaasha kugu sagootin doonto ama Sida qorshahaaga u fashilmay intaad ka naxdo ayuu wadnaha ku istaagi doonaa.

