Iyadoo inta badan maanta caalamka islaamka gobollada bartamaha iyo koonfurta dalka Soomaaliya ay u tahay maalin ciid ah , ayaa haddana dhinaca kale marka aad eegto waxaan maanta laga Soomin deegaanno badan oo aay ka mid yahiiin maamulada galmudug .
Maamulka Galmudug State ayaa sheegay in maalinta berito ah aay tahay maalinimo ciid ah isla markaasina maanta aheed maalin ramadaan.
Wasaarrada Garsoorka maamulka Galmudug ayaa lagu soo xigtay in bisha aan laga arkin deegaannada Galmudug, sidaa daraadeed maanta dadka ku dhaqan deegaannada Maamulka galmudug aheed maalin ramadan.
Wasiir ku xigeenka Garsoorka oow qaafta iyo diinta Galmudug Cabdulaahi Cali Jimcaale Buduur oo waraysi siinayay warbaahinta ayaa sheegay in deeganada uu ka taliyo maamulkaasi aay tahay maalinta berito ah maalin ciida.
Inta badan gudaha dalka Soomaaliya marka aad eegto waa wax iska caadi ah in leysku khilaafo bilashada bilaha ciidaha iyo Ramadan, taasoo keenta in marka danbe dadku isku mid u wada Ciidin.
Home » WARARKA » Maamulka Galmudug Oo sheegay In Maalinta Berito Laga Ciidaya Halkaasi
Maamulka Galmudug Oo sheegay In Maalinta Berito Laga Ciidaya Halkaasi
galmudug on Aug 19th, 2012 // No Comment
Views 16349

