galmudugnews.com

Home » WARARKA » Qorshe lala damacsanaa in lagu burburiyo Xariiradnews.com oo fashilmay.

Qorshe lala damacsanaa in lagu burburiyo Xariiradnews.com oo fashilmay.

on Aug 7th, 2012 // No Comment

Views 164027
Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa ku guuldareeysatay inay burburiso Shabaakadda wararka ee Xariiradnews.com .
Xariiradnews  waxay todobaadyadii la soo dhaafay warar ku saabsan Xiriirka ka dhaxeeya Sirdoonka Jibouti iyo Madaxda Somaliland .
Maamulka Somaliland waxay aad uga caroodeen Warbixin lagu daabacay Xariiradnews oo qurbe joogta beesha Ciisaha cara gelisay.
Xariiradnews oo ku hadasha afka beesha Ciisaha ee dega Somaliland iyo Jibouti waxay Warbixintooda ku tibaaxeen in boqolaal ka tirsan beesha Ciisaha gaajo ugu dhimanayaan gobolka Salalka halka gobolada Togdheer,Hargeysa iyo Saaxil la geeyay deeqo samafala.
Xariiradnews waxay dabagal dheer ku sameeysay habka saamiga beelaha Somaliland ,iyadoo hoosta ka xariiqday in  la xaqiray beesha Ciisaha.
Kooxaha loo yaqaan hackers-ka oo isticmaalayay IP adress Computer ku rakiban guri ku yaal Hargeysa ayaa weeraray Shabaakada Xariiradnews.com hasse yeedhee Maamulaha Website-ka Qadar Ahmed Faahiye ayaa sheegay inuu iska caabiyay .
Maamulaha Xariiradnews wuxuu tilmaamay in Computer-ka laga weeraray uu dhexyaalay Xafiiska Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.
Qadar Faahiye oo ah Khabiir dhinaca IT wuxuu Website-kiisa ku xiray qalabka digniinaha bixiya marka la weeraro Database-kiisa ama Virus lagu tuuro.
Bilahii la soo dhaafay waxaa badanayay burcada Internetka ee jabsada Website-yada iyo Emailada bulshada.

Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa ku guuldareeysatay inay burburiso Shabaakadda wararka ee Xariiradnews.com .Xariiradnews  waxay todobaadyadii la soo dhaafay warar ku saabsan Xiriirka ka dhaxeeya Sirdoonka Jibouti iyo Madaxda Somaliland .Maamulka Somaliland waxay aad uga caroodeen Warbixin lagu daabacay Xariiradnews oo qurbe joogta beesha Ciisaha cara gelisay.Xariiradnews oo ku hadasha afka beesha Ciisaha ee dega Somaliland iyo Jibouti waxay Warbixintooda ku tibaaxeen in boqolaal ka tirsan beesha Ciisaha gaajo ugu dhimanayaan gobolka Salalka halka gobolada Togdheer,Hargeysa iyo Saaxil la geeyay deeqo samafala.Xariiradnews waxay dabagal dheer ku sameeysay habka saamiga beelaha Somaliland ,iyadoo hoosta ka xariiqday in  la xaqiray beesha Ciisaha.Kooxaha loo yaqaan hackers-ka oo isticmaalayay IP adress Computer ku rakiban guri ku yaal Hargeysa ayaa weeraray Shabaakada Xariiradnews.com hasse yeedhee Maamulaha Website-ka Qadar Ahmed Faahiye ayaa sheegay inuu iska caabiyay .Maamulaha Xariiradnews wuxuu tilmaamay in Computer-ka laga weeraray uu dhexyaalay Xafiiska Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.Qadar Faahiye oo ah Khabiir dhinaca IT wuxuu Website-kiisa ku xiray qalabka digniinaha bixiya marka la weeraro Database-kiisa ama Virus lagu tuuro.Bilahii la soo dhaafay waxaa badanayay burcada Internetka ee jabsada Website-yada iyo Emailada bulshada.

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.