Galmudugnews.com – Madaxweynaha waqtigiisa gabaabsiga yahay ee Shariif Sheekh Ahmed ayaa Gudoomiyaha Gobolka Hobyo u magacaabau nin u dhashay Beesha Reer Xaaji Suleyman Habargidir oo ka tirsan burcad badeeda Somalia halka uu Gudoomiyaha Galgaduud u magacaabay nin u dhashay beesha Ceyr Habargidir.
Shariif Sheekh Ahmed oo aan Gudoomiye u magacaabi karin goboladda Puntland iyo Somaliland wuxuu ku dhaartay inuu burburin doono Maamulka Galmudug si uu uga taqaluso beesha Sacad Habargidir.
Shariif Ahmed wuxuu hore u shaaciyay inuu Garoonka Galkacyo ugu magacdaray Abdullahi Yusuf Ahmed allaha u naxariistee.
Sida muuqato Jeneral Cabdi Qaybdiid oo looga fadhiyay inuu Shariif Ahmed ka celiyo dadkiisa iyo degaanadiisa wuxuu noqday gantaalka lagu burburinaa Galmudug State.
Musharaxiinta faraha badan ee Koofurta Galkacyo iskugu tegay xagee maamuli doonaan mar hadii goboladii Maamulka Galmudug loo magacaabay shaqsiyaad si beesha Habargidir la iskugu diro.
Shariif Ahmed wuxuu iska jaheeyay Cabdi Qaybdiid oo sida muuqato ujeedkiisu yahay inuu laayo Agoonta uu aabayaashooda hore u dilay.
Beesha Sacad Habargidir oo laga sugayay inay Shariif Sheekh Ahmed si cad uga hortagaan waxay siiyeen gabadh.
Dulucda Warbixinta waxay tahay in Beesha Sacad Habargidir laba kala doorato:-
1- Inay si ficil xambaarsan uga jawaabaan Cuqdada iyo Cadaawada Shariif Ahmed.
2- Inay khabriyadii lagu duugi lahaa sii qotaan iyagoo nool.
Ujeedka uu Madaxweyne Shariif ka leeyahay inuu Hobyo iyo Galgaduud u magacaabo siyaasiyiin u dhashay beesha Habargidir maxay tahay?
Shariifka wuxuu guluf ugu jiraa inuu fashiliyo dadaalada dib u heshiisiinta iyo horumarinta beelaha Habargidir ee gudigga qurba joogta wadaan.
Shariif wuxuu aad uga xun yahay heshiiskii xalay Muqdisho ka dhacay ee Musharaxiinta beesha Habargidir u wada tanasuleen Abdullahi Ahmed Cadow.
Shariifka wuxuu gobolka Hiiraan u magacaabay nin uu ku hanuuniyay inuu qabsado Matabaan .
Shariifka wuxuu qoobka ciyaarkiisu yahay inuu Habargidir isku diro ,sidoo kalena beelaha la dego ku diro sida Xawaadle iyo Murusade.
Kuwa sheeganaya Musharaxiinta ee ku hardamaya Galmudug cidleey heehaabayaan.waxaana horyaal inay xukun jaceylkooda ka doorbidaan sidii ay dadkooda iyo degaanadooda u badbaadin lahaayeen.
Qurba joogta Beesha Habargidir iyo Duduble waa inay hagardaamada hadoodiman ee Shariif Ahmed si ficila uga jawaabaan ama ay dhigaan tacsida Habargidir iyo adeerkood Mohamud Hiraab.

