Qaraxani oo ka dhacay Degmada Xamarweyne islamarkaana uu ku geeriyooday Wasiirkii hore ee Ganacsiga Xukuumadii Farmaajo ayaa waxaa la sheegay in gaariga uu watay wasiirkii hore loogu xiray waxyaabahaasi qarxa ee uu ku geeriyooday.
Garaad Nuur Cabdulle oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo goobta kula hadlay saxaafadda ayaa wuxuu sheegay in qaraxa uu ahaa mid gaariga loogu soo xiray wasiirkii geeriyooday Maxamuud Cabdi Garweyne.
Sidoo kale waxaa goobta qaraxa uu ka dhacay saxaafadda kula hadlay Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka maamulka Gobalka Banaadir ee dowladda Soomaaliya Warsame Maxamed Xasan Joodax kaasi oo sheegay in qaraxa ay ka dambeeyaan kooxo sida uu sheegay cadow ah kana soo horjeeda nolosha dadka Bini,aadamka.
Gaariga wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadii Farmaajo Maxamuud Cabdi Garweyne ayaa muuqaal ahaan waxa uu ahaa mid aad u burburay iyadoo la sheegay in xitaa jirkiisa uu goo go,ay.

