Mareegto cusub ayaa dhowaan ku soo biirtay bogaga internetka Soomaalida taasoo qawmiyada ku hadasha af-Soomaaliga loogu soo bandhigay online rug caafimaad. Waxaa daadahaynaya dhakhaatiir wax ku baratay hadana ka shaqeeya wadamada reer galbeedka. Waxay diirada saartaa dhibka sida gaarka ah u haysta qurbo-joogta isla markaana waxay Soomaalida wadanka gudahiisa joogta u soo bandhigtaa caafimaadka casriga ah ee looga dhaqmo wadamada horay u maray. Adeegyada waqtigan diyaarka ku ah waxaa ka mid ah:
- La tasho dhakhtarka: taasoo aad su’aal ku weydin kartid dhakhtarka takhasuska u leh, Soomaali iyo Ajaaniba. Waxaa diyaar ku ah dhakhaatiir aqoon durugsan u leh dhaqanka iyo cudurada ku badan Soomaalida. Adeega “second opinion” ayaa isna la amaanay kadib markay ka tala-bixiyeen amaba soo kala dhex-galeen Soomaali ka cabanayay dhakhaatiirtooda qoyska (GP).
- Cudurada Guud, haweenka, raga iyo safarka. Markaad akhrisatid faah-faahinta cudurka qofkii doonaya inuu helo daawada wuxuu ka jawaabaa su’aalaha caafimaadka kadibna wuxuu awood u leeyahay inuu dalbado. Dhakhtar ayaa codsigaaga ka fiirsanaya intaan daawada lagu soo dirin waxaana laga yaabaa inuu teleefoon kuu soo diro. Waxaa si aad ah loo amaanay qeybaha daawada cayilka, laabjeexa, kacsi la’aanta, bidaarta, cidiyaha iyo fitamiinada.
- Adigoo gurigaaga jooga iska baar: baaritaanada ilaa waqtigan diyaarka ku ah waxaa ka mid: candhuuf ku ogow inaad qabtid HIV, Dhibic dhiig ah ku ogow inuu kugu yar yahay fitamiin D, Dhiiga ilma-qabatada saxarada, kalaamidiya test, DNA test iwm
- Farmashiye Online: daawo tayadooda la hubiyay oo ay bixiyeen farmashiyaal ku yaal Ingiriiska ayaa laguugu keeni karaa aduunka meel kasta oo aad ka joogtid.
- EHIC Card: Ha safrin adigoo aan wadan Kaarka Safarka caafimaadka Yurub. Waxaa mahdiyay dadkii sida lama filaanka ah u jiraday iyagoo safar ku jira. Foomka online buuxi kadibna maalmo gudahood ayaa gurigaaga laguugu keenayaa. Adeegan waxaa waqtigan ka faa’iidaysan kara qofkii degan UK,
- Check Up: waxaa loogu talagalay qofkii caafimaad qaba oo doonaya inuu ogaado xaalada caafimaadkiisa. Waxay baaritaan ku sameeyaan xaalada xubnaha jirka ugu muhiimsan, waxay kaloo sheegaan haddii uu jiro cudur bilow ah ama qarsoon oo aan weli soo shaac bixin.
- Tijaabi aqoontaada: waa qayb loogu talagalay inay maskaxdaada layliso, aqoontaada caafimaadkana kor u qaado, su’aashaad garan waydo waxaa la socoto falcelin, gaba-gabadiina waxaa lagu siin doonaa shahaado sharaf haddii aad u qalantid.
- Medicine For Somalia: tabarucaadkuna kama maqna, waa adeeg u dhaxeeya dadka qurbaha degan ee haya daawooyinka aysan u baahnayn iyo kuwa u dhimanaya daawo la’aan.
Intaas kor ku xusan iyo kuwo kaleba fadlan riix halkan ama soo booqo www.dhakhtar.com
Salaan & Qadarin, Maamulaha SomDoc
Mr Abdullahi Abdirahman Mohamed
Email: info@somdoc.com

