galmudugnews.com
  • Home
  • About
  • Contact US
  • Riwaayado
  • Daawo Video Dahir Alasow oo abtirsaday
  • Daawo Wareysigii ugu xiisaha badnaa taariikhda oo Faysal Cali Waraabe lala yeeshay
  • Sheekha ugu weyn Wahaabiyada Daarood oo ku baaqay in cafis la weydiisto Ahlusuna
  • Sarkaal Mareexana oo Hawiye si xun u caayay
  • Daawo Video Ciidanka Dowladda oo Meyd ku dul fadhiya
  • Hees Jawaab Ikraan Nafyar iyo Cabdi Khasaaro – Fanaan King Khaalid
  • Daawo Suxufiyad war ka akhrineysay TV oo nin jecel ugu galay Istuudiyaha kadibna Live uga dhameeyay guur
  • Daawo Sheekh Reer Hargeysa ah oo Muqdisho habaaray
  • Universal Tv oo caro darteed bilaabay Barnaamij loogu dhega hadlaa Aamina Muse
  • DAAWO Fadeexad Siilaanyo oo Baska Dadweynaha ku tegay Hotelkii Istanbul+Boorsada uu xambaarsan yahay.
  • Daawo Madaxweynaha Uganda oo hees raaba qaaday
  • Daawo tumashada Marwada Madaxweyne Siilaanyo
  • Daawo Dagaalkii Garxajis Muuse Biixi leh “Anigoo wax dili kara duco qaadan maayo”
  • Daawo Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho kula kulmaya Ra’isulwasare Saacid
  • Daawo Fadeexada Siilaanyo oo garan waayay Wasiiradiisa
  • Daawo xiisadii ka dhalatay heshiiskii Ankara oo cirka isku shareertay
  • Daawo gabadh u dhalatay beesha Daarood oo heer kulkeeda qabyaalada meel xun gaaray
  • Daawo Beelaha Habarjeclo iyo Arab oo laba xaflad ku qabsaday Holland kadibna saqdhexe isku duulay
  • Daawo Ra’isulwasaraha Ingiriiska oo rajo tiray Somaliland
  • Daawo Xasan Dahir Aweys oo Ahmed Godane ku sifeeyay fidno wade laayay culumadda
  • Daawo Wasiir salaami diiday Wasiir Khaarijiga UK William Hauge
  • Home » WARARKA » Cabdi Shukri ” Hadii ay qasab iyo foowda tahay Doorashada Galmudug waxaan ahay Musharax cideey u daran tahay hala arko”

    Cabdi Shukri ” Hadii ay qasab iyo foowda tahay Doorashada Galmudug waxaan ahay Musharax cideey u daran tahay hala arko”

    on Jul 13th, 2012 // No Comment

    Views 163012

    KU: DHAMAAN MASUULIYIINTA IYO BULSHADA GALMUDUG

    Assalaam Caleykum Wa Raxmatullah Wa Barakaatuhu

    UJEEDO: MUSHARAXTINIMADA MADAXWEYNAHA GALMUDUG

    Waxaa waayahaan soo badanaya musharaxiinta isku soo sharaxeysa madaxtinimada Maamulka Galmudug.

    Ilaa markii  maamulkaan Dawlada Galmudug uu madaxda ka yahay Madaxweyne Caalin la dhisay ilaa waqtigaan la joogo, Maamulkaan kama bixin dhib, Isqabqabsi,Mooshin iyo lugooyo loo geysanayo. Waxaana shidadaas had iyo jeeraale dabada ka riixaayo rag Siyaasiin iyo masuuliyiin sheeganaya oo markasta fowdo iyo afgembi ku wada Maamulka Sare ee Galmudug oo raba in ay si dadban talada Maamulka Galmudug kula wareegaan.

    Waxaan baaq u diraya raggaas ku can baxay fowdada iyo shidada in ay ka waan toobaan falalka guracan ay mar kasta kula kacayaan Maamulka sare ee Galmudug, oo ay bedelkeeda u istaagan sidii ay Maamulkaan Galmudug kala shaqeeyaan Hormarkeeda,Midnimadeeda, balaarinteeda iyo Badbaadinteeda.

    Ku simaha Madaxweynaha macnaheeda ma ahan waa Madaxweyne. Ma ahan in uu go’aan aan Madaxweynaha la ogeyn qaadan karo ama wax magacaabi karo. Sidaas daraadeed sharciga ma waafaqsana magacaabisti uu Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug uu ku magacaabay gudiga dooroshooyinka Galmudug iyada uu san la socodsiin ama latashan Madaxweynihiisa.

    Gudoomiyihi hore ee Barlamaanka Galmudug Mudane Xassan Maxamud Heyl awood sharci ah uma haysto in uu kala diro Barlamaanka Galmudug. Awood dikreeto Madaxweyne ah ayaa Barlamaanka lagu kala diri karaa. Haddi isaga iscasilay, waa shaqsi iscasilay oo tegey, markaas waxaa  Barlaamanka Galmudug waajib ku ah in ay doortaan Gudoomiye Baarlamaan oo cusub hawshoodana ay sii wataan.

    Waxaan mar labaad iyo mar sedexaad ku celinaya in aan waafaq sanahay warkii ka soo baxay  Madaxweyne Caalin, Gudoomiye Ku xigeenki Galmudug Mudane Cawke Sh Cabdiraxman iyo Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Abshir Diini  oo ay sheegeen in ay waqtiga Maamulka Galmudug uu ku eg yahay Bisha Labaad ee 2013ka.

    Marka waxaan hadana baaq nabadeed u diraya Masuuliyiinta Musharaxiinta isku soo taagtay in ay u tartamaan doorashada Madaxtinimada Galmudug in ay sugaan waqtiga yar ee ka harsan Maamulka Galmudug,  Nidaamka iyo sharcigana Galmudug ay dhowraan.

    Haddi ay qasab iyo fowda tahay in ay dhacayso bisha sideedaad doorashada Madaxtinimada Galmudug , waxaan halkaan ka cadeeynaya in aan diyaar la ahay  dhaqaalahayga, aqoonteyda, xiriirkeyga caalami iyo kartideyba oo aan la shir tago degaanka Galmudug si aan uga qeybqaato una tartamo si aan Madaxtinimada Maamulka Galmudug u qaban laha, cidey u daran tahay hala arkee.

    Wa Billaahi Towfiiq.

    Cabdishukri Xaaji Cali Xirsi

    Leave a comment

    You must be Logged in to post comment.