galmudugnews.com
  • Home
  • About
  • Contact US
  • Riwaayado
  • Daawo Video Dahir Alasow oo abtirsaday
  • Daawo Wareysigii ugu xiisaha badnaa taariikhda oo Faysal Cali Waraabe lala yeeshay
  • Sheekha ugu weyn Wahaabiyada Daarood oo ku baaqay in cafis la weydiisto Ahlusuna
  • Sarkaal Mareexana oo Hawiye si xun u caayay
  • Daawo Video Ciidanka Dowladda oo Meyd ku dul fadhiya
  • Hees Jawaab Ikraan Nafyar iyo Cabdi Khasaaro – Fanaan King Khaalid
  • Daawo Suxufiyad war ka akhrineysay TV oo nin jecel ugu galay Istuudiyaha kadibna Live uga dhameeyay guur
  • Daawo Sheekh Reer Hargeysa ah oo Muqdisho habaaray
  • Universal Tv oo caro darteed bilaabay Barnaamij loogu dhega hadlaa Aamina Muse
  • DAAWO Fadeexad Siilaanyo oo Baska Dadweynaha ku tegay Hotelkii Istanbul+Boorsada uu xambaarsan yahay.
  • Daawo Madaxweynaha Uganda oo hees raaba qaaday
  • Daawo tumashada Marwada Madaxweyne Siilaanyo
  • Daawo Dagaalkii Garxajis Muuse Biixi leh “Anigoo wax dili kara duco qaadan maayo”
  • Daawo Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho kula kulmaya Ra’isulwasare Saacid
  • Daawo Dagaalkii Garxajis iyo Gaashaanbuurta Habarjeclo
  • Daawo Fadeexada Siilaanyo oo garan waayay Wasiiradiisa
  • Daawo xiisadii ka dhalatay heshiiskii Ankara oo cirka isku shareertay
  • Daawo gabadh u dhalatay beesha Daarood oo heer kulkeeda qabyaalada meel xun gaaray
  • Daawo Beelaha Habarjeclo iyo Arab oo laba xaflad ku qabsaday Holland kadibna saqdhexe isku duulay
  • Daawo Ra’isulwasaraha Ingiriiska oo rajo tiray Somaliland
  • Daawo Xasan Dahir Aweys oo Ahmed Godane ku sifeeyay fidno wade laayay culumadda
  • Daawo Wasiir salaami diiday Wasiir Khaarijiga UK William Hauge
  • Home » QORMOOYIN, WARARKA, XULKA Galmudugnews » Maxaad ka taqaan Wariye Dahir Alasow-abtirsiintiisa labada waalid?

    Maxaad ka taqaan Wariye Dahir Alasow-abtirsiintiisa labada waalid?

    on Jun 20th, 2012 // No Comment

    Views 164598

    Maqaalkaan waxaan si kooban uga hadli doonaa Wariye Dahir Cabdulle Calasow iyo taariikhdiisa.

    Inta aan guda gelin falanqeynta Maxaad ka taqaan Wariye Dahir Calasow aan si kooban idiin baro abtirsiintiisa oo buuxda.

    Dahir  Aabahiis waa Sheekh u dhashay Hawiye gaar ahaan Habargidir Sacad,Cawareere,waxaana la yiraa Cabdulle Calas Rooble Gaadaale, Maxamed Maxamud Geeddi Afrax Maxamed  Daud culus Cawareere Sacad.

    Dahir awoowgiis Calas Allaha u naxariistee waxaa dhalay  Rooble Gaadaale oo ahaa Askari  ka tirsanaa Ciidamadii Gobanimada doonka Somalia ee gumeeystihii talyaniga la galay dagaalada qaraar.

    Dahir awoowgii Calas Rooble Gaadaale wuxuu guursaday  Allaha u naxariistee Muumino Hadaafoow Cosoboow oo u dhalatay Hawiye gaar ahaan Abgaal Celi Cumar,wuxuuna ku guursaday  gobolka Shabeeladda Dhexe ee Somalia.

    Abtiirsanada Dahir ayeeyadii dhashay Aabahiis waa Muumino Hadaafoow Cosoboow Maalin Xeeyle Eybakar Maxamuud shige Celi.

    Maalintii uu Calas Rooble Gaadaale  guursanayay Muumino Hadaafoow Cosobow ayaa Nabadoon ka mida Nabadoonadda beesha uu gabadha ka guursaday wuxuu kula kaftamay HADAAD CALAS MAQASHAAN WAA CALASOW  ,waxaana maalintaas kadib magacii CALAS ROOBLE isu bedelay CALASOW ROOBLE GAADAALE .

    Calas Rooble walaalahii markii ay maqleen inuu guursaday naag Abgaala iyo in Shabeeladda dhexe looga yaqaan Calasow Rooble ayey xifaaleeyeen ,iyagoo leh miyaad Habaaran tahay.

    Calas Rooble ayaa xifaaltanka walaalahiis uga jawaabay  shiribka Shabeeladda dhexe wuxuuna yiri MUUMINO HADAAFOOW COSOBOOW ,HADAAN HABAARNAA MA HELEEN!!

    Anigoo ka hadli doono sidii ay Calasow Rooble walaalahiis xilligaas kadib ku degeen Shabeeladda dhexe iyo sida Reer Rooble Gaadaale  ugu faafeen degaan ahaan Shabeeladda dhexe ilaa Muqdisho oo ganacsiyo waaweyn ku leeyihiin ilaa Maanta hadana marka hore aan idin baro Dahir hooyadiis.

    Dahir Cabdulle Calasow waxaa dhashay Fadumo Maxamud Warsame Saruurow oo u dhalatay Hawiye gaar ahaan Habargidir Sacad Cabdalle.

    Abtirsiinadda Dahir hooyadiis waa: Faadumo Maxamud Warsame Maxamed Xuseen Diini Afrax Macalin Caagane  Cumar Cabdalle.

    Dahir awoowgiisa dhalay hooyadiis Maxamud Warsame Maxamed wuxuu ka dhashay reerka loo yaqaan GEEL  KA MAQANYO,Wuxuuna la dhashay Nabadoon Faarax Abtidoon Maxamed (Reer Faarax Abtidoon)

    Dahir hooyadiis Faadumo Maxamud Saruurow waxaa dhashay Xaliimo Xasan Muuse Xaayow oo u dhalatay HAWIYE gaar ahaan HABARGIDIR,CEYR,CABSIIYE,XASANLEEY.

    Ayeeyadda dhashay Dahir hooyadiis oo la walaala allaha u naxariistee Nabadoon Faarax Xaayow (Reer Faarax Xaayow) abtirsigeeda waa:  Xaliimo Xasan Muuse Xaayow Sharmaarke Jabriil Dhegayare Cali Yusuf Xasanleey Maxamuud Kulmiye,Cabsiiye,Caroole Axmed.

    Dahir hooyadii waxay walaalo yihiin oo xaga hooyadda kala dhashay Caruur ka soo jeeda beesha Abgaal gaar ahaan Wacbuudhan Maxamed Muuse,waxaana ka mida Abwaanka weyn ee Xasan Kabalax oo ah ninka tirshay halku dhiga caan baxay ee “RAAGE CEELAA LA ROGAAHE,MA RABTAA ROOTIYO CAANO”

    Hadii aan dib ugu laabto qoyska Dahir Cabdulle Calasow Rooble waxaa gobolka Shabeeladda dhexe soo degay Calas Rooble Gaadaale walaalkiis Cabdi Rooble Gaadaale iyo 21 qoys oo dhamaantood u dhashay Beesha Sacad Habargidir.

    Qoysaska Sacad ee soo degay waxaa ka mida Dahir awoowgiisa dhalay hooyadiis allaha u naxariistee Nabadoon Maxamud Saruurow Warsame.

    ilmahii uu dhalay Rooble Gaadaale iyo wixii ay sii dhaleen Gobolka Shabeeladda dhexe ilaa Muqdisho ayey ku faafeen.

    Ma rumeeysan kartaa in Reer Rooble Gaadaale iyo qoysaskii Sacad Habargidir ee la degay Abgaalka gaar ahaan Maxamed Muuse iyo Celi Cumar aysan saameeyn ku yeelan dagaaladii Muqdisho ku dhexmaray Habargidir iyo Abgaal?

    Ma rumeeysan kartaa in qoysaska Sacad Habargidir ee  weli degan Shabeeladda dhexe gaarayaan boqolaal qoys oo inta la og yahay taariikhda aan cadiifad qabiil dareemin laga soo bilaabo markii awooweyaashooda degeen  1960 ilaa qarniga aan ku jirno,2011.

    Ma og tahay in degaankii uu ku guursaday Dahir awoowgiis Calas Rooble,inuu Nabadoon guud ama beeldaajiyaha dhamaan beelaha wada dega ka yahay adeerkiis Hilowle Cabdi Rooble Gaadaale ,laga soo bilaabo  1977 ilaa 2011.

    Ma ogtahay in Reer Rooble Gaadaale leeyihiin maanta ganacsiga ugu balaaran Somalia sida Shirkadda ugu weyn ee Daawada Somalia geysa,Warshado iyo Hotelo .

    Ma ogtahay in Rooble Gaadaale Caruurtii uu dhalay ilaa intii ka sii farcantay ee nool maanta ay gaarayaan 613 qof ( Lix boqol,sedex iyo toban qof ) kuna kala nool yihiin  dunida daafaheeda.

    La soco qaybta 2-aad oo aan uga hadli doono taariikh nololeedka Dahir Cabdulle Calasow Rooble Gaadaale.

    By Cali Abukar Maxamud Calasow +27788592067 iyo Nur  Ismaciil Sheikh nuur.usa@hotmail.com

    Leave a comment

    You must be Logged in to post comment.