Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun
Waxaan halkaan kuugu soo gudbinaya tacsi la xiirirta geerida ku timid Aabaha Sheikh Cabdulle, waxaana Ilaahey ka baryaya inuu marxuumka u naxaristo, kana waraabiyo jannadiisa firdowsa, adiga iyo ehelkiisa samir iyo iimaan ka siiyo.
Maxamud M Culusow
Wasiirka Maaliyadda Galmudug State oo tacsi u diray Dahir Alasow.
Anigoo ah Wasiirka Maaliyadda iyo Ganacsiga Galmudug Cabdullahi Jamac waxaan halkaan tacsi uga dirayaa Dahir Abdulle Alasow oo Aabahii Sheekh Cabdulle Calasow Rooble ku geeriyooday Muqdisho 30 May 2012.
Inaalilaahi wa inaa ilaaheey raajacuun,Janatu Fardowsa ayaan ugu duceeyay Marxuumka,ehelka iyo qaraabadana samir iyo iimaan allaha ka siiyo.
Madaxweynaha Awdal State iyo Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Awdal State oo tacsi u diray Dahir Calasow.
Anagoo ku hadleeyna magaca bulshada Awdal State waxaan ku leenahay samir iyo iimaan allaha kaa siiyo Aabahaa Sheekh Cabdulle Calasow ,asagana Janada allaha ka waraabsho.
Gaarane Cabdi Xassan “Anigoo ku hadlaya magaca bulshadda Galmudug waxaan tacsi u dirayaa Tifaftiraha Waagacusub oo aabihiis uu Muqdisho ku geeriyooday”
Gaarane Cabdi Xassan oo ka mid siyaasiyiinta Galmudug state ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya Tifaftiraha shabakadda Waagacusub Daahir C/lle Calasow oo aabihiis Sheekh C/lle Calasow uu ku geeriyooday Muqdisho, wuxuuna ILLAAHEEY uga baryayaa Marxuumka inuu Janadii Fardowsa aheyd ka waraabiyo eheladii & qaraabadii uu ka tegayna samir & iimaan ka siiyo.
“Anigoo ku hadlaya magaca bulshadda Galmudug qeybaheeda kala duwan, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Daahir Calasow oo aan kaga tacsiyeynayo geerida aabihiis ku timid” ayuu yiri Gaarane oo qoraal tacsi soo gaarsiiyey shabakadda.
Friday, June 1, 2012 6:53 PM
A/C: Anigoo ku hadlaya Magaca Culimo udiinka Ahlusunna-Walja,aaca Stockholm iyo Warbaahinta Jamhuuriyah waxaa ka tacsiyadaynaynaa geeridii ku timid allaha unaxariistee marxuum Cabdulle Calasow waxaan leenahay intii uu ka baxay samir iyo iimaan allaha ka siiyo aamiin
Marka hore, waan ku salaamayaa Daahiroow. Marka xigta, aniga oo ku hadlaya afka Maamulka Khaatumo State of Somalia, waxaan kaaga tacsiyadaynayaa geerida ku timi Aebe Abdulle Alasow Rooble Gaadaale.
Walaal Daahiroow geeri waa xaq, waana wada dhimananaa oo taa cid baajin kartaa ma jirto marka walaale samir iyo imaan Alle haynaga siiyo Allana Janafardawsa ha ka waraabiyo.
Samir iyo Imaan Daahiroow.
M. I Botan…ASCW, salaan kaddib anigoo ku hadlaya magaceyga, magaca qoyskeyga iyo macaga Saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo bahda Bulshada Rayidka ah waxaan kuu soo dirayaa Tacsi aan kugula wadaagayo Xanuunga iyo Tiiraanyada geerida Aabe Sheekh Cabdulle Calasow Rooble, waxaana tacsida si wada jir ah ugu soo dirayaa qoyskii, ehelkii, asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Aabe Sheekh Cabdulle Calasow, waxaana tacsi gaar ah leeyahay Daahir Cabdulle Calasow, tifaftiraha Waagacusub.com.
Aabe Cabdulle Qabrigiisa Nuur iyo Naruuro Allaah haku siiyo, Godka Allaah ha ugu waasiciyo dhanka Janada, aakhirana siraadka iyo Su’aasha Allaah ha u fududeeyo, Janadii Firdowsana Allaah ha ugu bishaareeyo.
Waxaa sidoo kale Tacsi taas la mid ah kuu soo diraya dhamaan qoyskeyga iyo Qoyska Reer Sheekh Axmed Maxamed Aala Badri.
Ilaah waxaan ka baryeynaa Naxariis taam ah inuu Marxuumka siiyo, Sabar Jamiil ahna dhamaanteen naga wada siiyo… Aaamiin.
Walaalkaa, saaxiibkaa Albadri
–
Abukar Albadri
Director Badri Media Productions Company
Dear Daahir,
I am terribly sorry to hear the news of your father’s death (Marxuum Sheekh Cabdule Calasoow Rooble Gaadaale). Please accept my sincere condolences. I can only imagine what a terrible time you must be going through.
Abdirazak Waaberi,
Your friend.
Wariyaasha Soomaaliyeed ee Koofur Afrika oo Dahir U tacsiyeeynaya
Maxamed Muuse Nuur ”Deeq Darajo”
C/llaahi Maxamed Cumar” Balwaan”
C/risaaq Cabdullaahi ” Indho Jaceyl”
C/risaaq Yuusuf Cabdalla”Kampala”
C/naasir Sheekh Bashiir” Saxansaxo”
C/fitaax Cali Samatar ”Sablaale”
C/Qaadir Axad Nuur ”Axad”
C/llaahi Xasan ”Baliil Khan”
Maxamed C/qaadir ”Amoore”
Abshir C/llaahi
Mahad ”Istiila
C/naasir ”Soomane”
Maxamed Xersi
Dhamaan Wariyaasha Soomaaliyeed Ee Ku dhaqan Dalka Koofur Afrika Waxay Tacsi Tiiraayo Leh Hawada U marinayaan Saaxiibkood Tifaftiraha Waagacusub.com Daahir Cabdulle Calasoow”Daahir Yare” oo Aabihiis Marxuum Cabdulle Calasoow oo Dhawaan uu Geeriyooday Waxayna Leeyihiin Naxariistii Jano Allaha Ka waraabiyo Qoyskii Iyo Eheladii uu Ka Geeriyoodana Samir Iyo Iiimaan alaha Ka siiyo
Aamiin………………. Aamiin…………………………….Aamiin…………………Aamiin……………………Aamiin…………………Aamiin…………………….Aamiin………..Aamiin……..
Walaal Daahir,
Waxaan halkan kuugu soo dirayaa tacsi tiraanyo leh Geeridi ku timid
aabaha Cabdulle Calasow..
Ilaahay waxaan uga baryaaya inuu aabe janada ka waraabsho.. adiga iyo
dhamaan reer Cabdulle Calasow na ka siiyo samir iyo iimaan.. amiin.
Salaam,
Adam Shuriye,
Lasanod.com
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun
Waxaan halkaan kuugu soo gudbinaya tacsi la xiirirta geerida ku timid Aabaha Sheikh Cabdulle, waxaana Ilaahey ka baryaya inuu marxuumka u naxaristo, kana waraabiyo jannadiisa firdowsa, adiga iyo ehelkiisa samir iyo iimaan ka siiyo.
Maxamud M Culusow


