Waxaan filayaa inay soomaali ka dharagsantahay wixii dhibaato ah ee ay soomaareen 40kii sano ee aanu soo dhaafnay, dhaxalka aanu ka haynaana waa bur burka iyo kala taga inoo muuqda. Hadaba qormada wargayskaan Kasmo ku soo baxay 18/04/2012 ee cinwaanka looga dhigay ”Yaa nagu been abuurtay” waxaa marag ma doonto ah in boog dhayid u baahan ay soo kicinayso.
Wargayska iyo qofka daabacayna si baad moodaa inuu qoraalkaan ula eeganayay haduuba ka danbeeyoba marxuumka ama Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Alaha u naxariistee Mudane Cabdullahi Yuusuf geeridiisa. Waxaan aaminsanahay hadaba anigu aragti khaldan inay tahay oo rajiimkaas iyo hogaamiyahoodii aanay wada geeriyoon, hadaan si kale u dhigana uusan Cabdullahi dhimane uu dhuuntay.
Albaabka wargayskaasu furay ee uu noogu yeeray inaan soo galno waxaan qabaa inay sababayso daalacasho iyo dib u eegid ama ka hadal sababaha keenay in Madaxwayne Cabdullahi Yuusuf iyo Ciidankiisiiba ay Ethiopia uga soo jeesteen oo ay dagaal hubaysan ugu soo qaadeen rajiimkii markaa jiray ee dalka ka talinayay, Waxay noqonaysaa inaanu dib u jaleecno waxa keenay in Somaliland ay abuuranto amaba ku kalifay shacabka reer waqooyi inay goostaan inay ka go’aan Soomaaliya inteeda kale, amaba keenay waxa Alaha u Naxariistee Jeneraal Maxamad Faarax Caydiid uu u aasaasay Jabhadii USC oo uu Magaaladii Muqdisho iyo dalka intiisii badnaydba u qabsaday, ama keenay in dagaal sokeeye uu abuurmo oo Muqdisho iyo koonfurta Soomaaliya la isku dooxo.
Wax badan oo aad u foolxun oo dalka soomaaliya ka dhacayay 40kii sano ee aanu soo dhaafnay ayaanu goob joog usoo ahayn, hadii sida wargayska Kasmo iyo tifatirihiisu ay doonayaan albaabkaas aanu usoo wada galno armaa xalku sii fogaadaa, oo xaajadu gaartaa ilayn taasina waa jirtay oo waaban iska ilownaye xeradeena noo ooda.
Xuseen Xuubsireed

