Galmudugnews.com – Ganacsade Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka tirsan Xildhibaanada baarlamaanka tirada ee Somalia ayey fadeexada xoogan wajaheen ka gadaal markii uu Idaacadda Kulmiye uga hadlay hab cunsurinimo iyo qabyaalad ka buuxdo.
Suldaan Cabdi Naasir Jaamac Seed oo la hadlayay Idaacadda Codka Mareykanka ee VOA ayaa Xildhibaan Xaaf ku eedeeyay inuu yahay nin isku dirka beesha Sacad ku caan baxay,hadana uu lacag badan ku bixiyay sidii Raaska Reer Qurdhaale la iskugu diri lahaa.
“ Xaaf wuxuu doonayaa inuu weligii Xildhibaan Sacad ahaado,oo lugooyo iyo mishin ayuu caan ku yahay sidaas darteed sanadkaan lagama yeeli doono “ayuu yiri Cabdi Naasir Jaamac Seed oo la hadlayay VOA Somali.
Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka jawaabayay eedeeynta Cabdi Naasir Jaamac Seed ayaa yiri “ Anigu weligeey baan ahaanayaa Xildhibaan ,maxaa ka galay Cabdi Naasir Jaamac Seed ,anigu ma isagaan Xildhibaan u ahay,waxaan Xildhibaan u ahay beesha aan ka dhashay ee Cabdalle,iyaga ayaan Suldaan u ahay,tiisa ha daryeelo”
Xaaf oo sheegta inuu yahay Suldaan Sacad ayaa hadalkiisa ka baxay Idaacadda Kulmiye wuxuu la yaab ku noqday beesha Sacad Habargidir.
Baaris la sameeyay ayaa lagu ogaaday in Xildhibaan Xaaf lacag dhan 30.000$ ku bixiyay isku dirka beesha Reer Qurdhaale ,isagoo gacan ka helay Agaasimaha Nabadsugida Axmed Macalin Faqi.
Axmed Ducaale Xaaf oo aad uga walaacsanaa in Cabdi Naasir Jamac Seed kursiga Suldaanimada beesha Sacad uga qeybgalo shirka Odayaasha ayaa ku guuleeystay inuu shirka Odayaasha geeyo nin lagu magacaabo Garaad Qoorweyne oo u dhashay Jufada Reer Qurdhaale.
Jufadda reer Qurdhaale waa dad ku caan baxay Gobanimo ,tol jaceyl,ixtiraam iyo is xaqdhowr,waana markii ugu horeeysay taariikhda ee la maqlo isku dhac ka dhex jira.
Ganacsade Xaaf waa nin wejiya badan oo la rumeeysan yahay inuu gacan siiyo Maleeshiyadda Al-Shabaab ,isagoo dhinaca kalena ka ganacsada Xashiishada ka baxda gobolka Shabeeladda Hoose.
Xaaf wuxuu ku eedeysan yahay inuu ka dambeeyay dilalkii Istarliin Cabdi Caruus iyo Injineer ELMAN Cali Axmed,Allaha u naxariistee.
Beesha Sacad inkastoo ay fahmeen Xaaf inuu yahay halis hulaaban hadana ma jiraan go’aano laga qaatay.
Shaqsiyaad la mida Axmed Ducaale Geelle Xaaf waa kuwa daneeystenimo ku caanbaxay ee burburiyay Qaranimadii Somalia.

