Galmudugnews.com – Shacabka Soomaaliyeed ayaa Hay’adaha CRD iyo CCD ku eedeeyay inay gudaha Somalia ka maleegaan falal guracan oo lagu dhibaateeyo shacabka sida dilal iyo qaraxyo .
Qaar ka mida Saraakiisha Sirdoonka Dowladda Federalka Somalia,Ganacsatada iyo hoowlwadeenada Hay’adaha Samafalka Somalia ayaa Agaasimaha Hay’adaha CRD Jabriil Abdulle Ibrahim ku eedeeyay inuu Warbixino qaldan oo Sirdoon ka gudbiyay Ganacsato iyo shaqsiyaad ay ka tilmaameen Cabduqadir Eenow iyo Axmed Nuur Cali Jimcaale oo 21 Febraury 2012 laga saaray liiska argagixisada Caalamka.
“ Hay’ada CRD horta waa Hay’ad Sirdoon ee sidaasi waa inay bulshada Soomaaliyeed u ogaataa,waxaana ognahay in Jabriil Cabdulle ka dambeeyay xitaa dilkii lagu khaarijiyay Agaasimahii CRD Cabduqadir Yaxye si uu kursiga ugala wareego,isagu waa nin afmacaan oo qabiilada Somalida mid walba u sheega in dartood loo dhibaateeyay”ayuu yiri Ganacsade Mohamed oo xaalad amaan darteed diiday inuu magaciisa oo buuxa sheego.
Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Dowladda Federalka Somalia ayaa yiri “ CRD wuxuu Jabriil ka dhigay Hay’ad Sirdoon ,lacag waalan ayey soo gelisay dalka oo waliba qaraxyada iyo dilalka dhacayana wuu maalgeliyaa si aysan u istaagin lacagaha lagu siiyo shaqada uu qabto”
Jabriil Abdulle wuxuu degan yahay Magaaladda Nairobi ,dhismo ku dhaw Xarunta CID Kenya,waxaana la rumeeysan yahay inuu ku xiran yahay Sirdoonka North America iyo kuwa Europe.
“ Dowladda Ingiriiska ayaa u yeertay Jabriil,dabcan wuxuu u gudbiyay Warbixinadiisii Sirdoonka laakiin dhibaatada ugu weyn ee dabeecadaha Jabriil waxaa ka mida Warbixinadiisa Sirdoonka waa kuwa ku dhisan qof iyo qabiil naceyb gaara,wuxuu mar walba dagaal kula jiraa ganacsatada iyo siyaasiyiinta Hawiye sida Axmed Nuur Cali Jimcaale iyo Cabduqadir Eenow taas oo gaarsiisay in Website-ka CRD.org la soo gelsho Warbixin dacaayada oo lagu sheegay in Cabduqadir Eenow iibsado raashinka WFP ee Mucaawinada” ayuu yiri Masuul ka tirsan Ururada bulshada rayidka oo codsaday inaan magaciisa la xusin.
Hay’adaha CCD iyo CRD waxaa la rumeeysan yahay in dhaqaalaha ugu badan ay ka helaan Laamaha Sirdoonka Mareykanka,Canada iyo Ingiriiska.
Jabriil Ibrahim wuxuu Warbaahinta madaxabanaan siiyaa lacag bil walba si ay ugu faafiyaan warar uu iidheh ugu sameeynaa Hay’adiisa CRD taas oo lagu dhejiyay inta badan Websiteyada Somalida.
Dad badan ayey la yaab ku noqotay in CRD iidheh loo sameeyo sida Shirkad Ganacsi,iyadoo kal horena sponsor gareeysay barnaamijkii DOOD WADAAG ee ka bixi jiray UNIVERSAL TV.
Su’aal muhiima waxay tahay Jabriil Ibrahim Abdulle maku noqon doonaa Madaxweynaha Somalia intii uu waxgalka Soomaaliyeed basaasay,dilay,qaxiyay,qarxiyay????????
Waa Su’aal Jawaabteeda loo baahan yahay in la wada sugo,SOOMAALI ALLOOW MAQAN.
Mohamed Hassan
Mohhassan@hotmail.com

