Jaaliyadaha beesha Hawiye ee Yurub iyo Waqooyiga Ameerika oo digniin culus kasoo saarey hirgalinta Roadmapka iyo heshiisyada Garoowe1 iyo 2
London, UK, 21-02-2012
Jaaliyadaha beesha Hawiye ee qaaradaha Yurub iyo Waqooyiga ameerika ayaa digniin culus kasoo saaray hirgalinta Roadmapka iyo Heshiisyada Garoowe 1 iyo Garoowe 2.
Shir qadka telefoonka ama Teleconference ay masuuliyiinta jaaliyadaha beesha Hawiye ee qaaradaha Yurub iyo Waqooyiga Ameerika ay yeesheen xalay oo taariikhda bisha febraayo aheed 21ka sanadka 2012 waxa ay ka doodeen xaalada qatarta ee dalka Soomaaliya maraayo iyo in marba marka ka danbeyso ay xaalada Soomaaliya ay kasii dareyso.
Jaaliyadda beesha Hawiye oo kulamo badan oo degdeg ah yeelan doonto bilaha soo socdo si looga hortago qatarta kusoo fool leh dalka Soomaaliya ayaa shirkeedii xalay waxa ay kasoo saartey qodobo xasaasi ah.
Dood iyo falanqeyn dheer waxa jaaliyada beesha Hawiye ee Yurub iyo Waqooyiga ameerika ay oo saareen qodobadda hoos ku qoran:-
1- Jaaliyadu waxa ay ka digeysaa hirgalinta heshiisyada Roadmapka iyo Garoowe1 iyo Garoowe 2 iyagoo u arka in heshiisyadaas ay ummadda Soomaaliyeed u horseedayaan gaalnimo iyo diinta Ilaahay oo laga noqdo.
2- Jaaliyaddu waxa ay ka digeysaa in ummada Soomaaliyeed aanan dastuur looga dhigi karin wax ka soo horjeeda shareecadda Islaamka ee Muqdaska ah taasna ay ka doorbideyso dagaal iyo dhiig farabadan oo daada. Ummadda Soomaaliyeed ma ogolaanayso in dastuur ay gaalo iyo gaalo raacyo soo qoreen isla markaan ay ansixinayaan dhilooyin iyo alkoliistayaal iyo muqayiliin looga dhigo dastuur ummada Soomaaliyeed ee 100% muslimka ah.
3- In dastuur walba oo loo sameynayo ummadda Soomaaliyeed lagala tasho oo laga qeyb galiyo culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee magaca iyo sumcadda ku leh Geyiga Soomaaliya isla markaana dastuur walba oo aysan ansixin isla markaana aysan saxiixin golayaasha Culumaa’udiinka Soomaliya in meesha ku haboon ee uu mudan yahay ay tahay musqusha.
4- Jaaliyadda Beesha Hawiye waxa ay ugu baaqeysaa ururka Alshabaab inay ka noqdaan ku biiritaankooda ururka Alqaacida maadaama aysan ku jirin danta ummadda Soomaaliyeed isla markaana ay arintaas marin habaabin karto miraha jihaadka dalka Soomaaliya .
5- Jaaliyada Beesha Hawiye waxa ka codsanaysaa ururka Alshabaab inay dib u eegaan manhajka Khilaafada iyo baycada isla markaana ay culumaa’udiinkooda sameeyaan baaritaan ku dhisan shareecada islaamka si ay u fahmaan in Ayman Alzawaahiri uusan aheen Khaliifkii islaamka ee uu yahay hogaamiye koox ka mid ah kooxaha Islaamka isla markaana ay waajibi karin bayco lala galo oo khaas ah.
6- Jaaliyadda Beesha Hawiye waxa ay ugu baaqeysaa ururka Alshabaab inuu maro oo qaato talaabada ururka Talabaan ee dalka Afghanistaan isla markaana uu raadiyo inuu wada hadalo la galo beesha Caalamka isla markaana uu u soo bandhigo beesha caalamka iyo ummada Soomaaliyeedba barnaamijkooda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyo mustaqbalka iyo sida ay iyagu u arkaan in xal loogu heli karo arimaha Soomaaliya. Waxaana diyaar u ah arimahaas oo ay soo marsiin karaan fariimahooda iyo rabitaankooda dowladdaha Qatar, Turkiga, Sucuudi Carabiya iyo Suudaan.
7- Jaaliyadda Beesha Hawiye waxa ay ka codsaneysaa ururka Alshabaab in dagaalada lagu soo koobo goobaha ay dagan yihiin ciidamadda Ajnabiga ee gaalada ah lana joojiyo bartilmaameysiga meelaha dadweynaha ay ku badan yihiin si loo ilaaliyo dhiiga dadka muslimiinta inuu bilaa micno ku daato.
8- Jaaliyadda Beesha Hawiye waxa ay dhiiri galinaysaa in laga baxo oo laga guuro goobaha danta guud ee loo baahan yahay sida iskoolada iyo isbitaalada iyo meelaha ummaddu wada leedahay si loogu adeego ummadda.
9- Jaaliyadda beesha Hawiye waxa ay kula talinaysaa kuwa hadda horboodaya maamulka dowladda jirta inay ilaaliyaan miisaanka awoodqeybsiga iyo kheyraadka dalka ayna ogaadaan in waxa Soomaaliya galiyay dagaalka Sokeeye ay tahay dulmi isla markaana aan dulmi lagu badali karin dulmi kale. Mana soconeyso siyaasadda hadda jirta ee ah ”waxeyga anigaa iska leh oo maamulanaaya waxaadana waan kula leeyahay oo waan kula maamulayaa”
10- Jaaliyadda beesha Hawiye waxa ay ku baaqeysaa in ciidamadda dowladaha Itoobiya iyo Kenya ee kusoo duulay dalka Soomaaliya ay ka baxaan dalka Soomaaliya isla markaana inta askari Itoobiyaan iyo askari keenyaan uu joogo dalka Soomaaliya inaan xal iyo nabad laga sugin dalka Soomaaliya.
11- Jaaliyadda beesha Hawiye waxa ay ku baaqeysaa in beesha caalamka ay ka shaqeyso sidii looga saari lahaa dalka Soomaaliya ciidamadda afrikaanka ee Amisom looguna badali lahaa ciidamo ka socda wadamadda islaamka oo ummadda soomaaliyeed ay isku diin yihiin maadaama habdhaqanka ciidamada Amisom ee ugu horeeyo saliibka qoorta u suran iyo Khamriga iyo Khansiirka iyo fasahoodkooda ay Soomaali badan u arkaan provocation isla markaana uu keenaayo inay sii xoogeysto taageerada Alshabaab.
12- Jaaliyadda Beesha Hawiye waxa ay ugu baaqeysaa culumaa’udiinka Soomaaliyeed inaan la isku mashquulin Alshabaab ee laga hadlo gaalnimadda lagu wado dalka Soomaaliya iyo dastuurka kufriga ee la rabo in lagu sanduleeyo ummadda Soomaaliyeed. Waxaana ku leenahay culumadda Soomaaliyeed xasuusnaada in culumo badan ay naftooda iyo maalkooda u hureen in Soomaaliya aan la gaaleysiin maantana ma idinka oo jooga oo nool ayaa Soomaaliya dastuur kufri lagu sanduleynayaa. Goormaad toosi doontaa oo dalka iyo dadka badbaadin doontaa mise in gaalada la isku dhiibo ayaa laga doortey ugu yaraan in laga hadlo gaalnimada socota.
13- Jaaliyadda beesha Hawiye waxa ay ka codsaneysaa xoghayaha qaramada Midoobey Banki Moon inuu bedelo wakiilkiisa Soomaaliya Ambassador Mahiiga maadama Mahiiga uu qeyb ka noqdey caqabadaha hortaagan nabad iyo isfaham dhex mara soomaalida dhexdeeda. Mahiiga meeshii uu noqon lahaa wakiil qaramada midoobey wuxuu isku bedelay madaxweynihii Soomaaliya oo hadda asaga maamula Soomaaliya ama waaba barasaabka Soomaaliya oo wuxuu dhaho kaliya ayaa socda cid ka hor imaan kartana ma leh taasna waxa ay bahdil ku noqotay qof walba oo soomaali ah oo u arko in dalkiisa iyo dadkiisa aysan xor aheen. Haddaba Waxaana ka codsanaynaa Banki Moon iyo beesha caalamkaba in mar danbe qof danbe oo aan muslim aheen loo soo xilsaarin arimaha Soomaaliya waayo way adag tahay qof aan muslim aheen inuu kalsooni ka helo Soomaalida oo dhan.Wayna na dhibeysaa hadiiba Barasaab na maamula naloo sameynaayo in mid aan muslim aheen naloo sameeyo maadaama aan 50 sano ka hor iska tuurney oo diidney barasaab gaal ah.
14- Jaaliyadda Beesha Hawiye waxa ay ku baaqeysaa in lala xisaabtamo oo dacwooyin lagu soo oogo dhamaan madaxdii Soomaaliya soo martey xiligii ku meelgaarka lana baaro daqligii dalka soo galay iyo qarashaadkii baxay maadaama malaayiin doolar oo loogu tala galay ummadda Soomaaliyeed la lunsaday oo la xaday.
15- Ugu danbeyn Jaaliyadda beesha Hawiye waxa ay dunidda u sheegeysaa in xalka Soomaaliya uu ku jiro in Soomaalida waxa ay rabto loo daayo . Dadka Soomaaliyeed 100% waa muslim waxa ayna rabaan in shareecadda islaamka lagu xukumo dalka Soomaaliya haddaba waxaad ogaatiin wax walba oo ka hor imaanayo shareecada islaamka ee muqdaska ah waxa ay xoojinaysaa taageerada Alshabaab iyo dagaalka Sokeeye ee Soomaaliya.
Ugu danbeys waxaan leenahay Soomaaliya Soomaali baa leh Sareedo haday ku waarto hadii silac iyo dhib gaaro Samaanteed iyo xumaanteed Soomaaliya Soomaali baa leh.
Soomaaliya ha noolaato Soomaaliya ha is raacdo Soomaaliya ha guuleysto.
Allaahu Akbar Allaahu Akbar Allaahu Akbar.
Golaha qurba joogta ee beesha Hawiye.
Email: mohamedsomali@hotmail.co.uk

