galmudugnews.com

Home » WARARKA » ICG oo dagaal kula jirta Hawiye iyo Daarood !!! –Waa Kuma Matthew Bryden.

ICG oo dagaal kula jirta Hawiye iyo Daarood !!! –Waa Kuma Matthew Bryden.

Waxaa Akhrisay :8340

Galmudugnews.com – Madaxda sare Dowladda Federalka Somalia iyo Hogaamiyeyaasha dhaqanka Hawiye ayaa si wadajira u cambaareeyay Warbixin sanadeed ay qoreen Kooxda International Crisis Group ICG taas oo lagu sheegay in Ganacsade Ahmed Nuur Cali Jimcaale ka mid yahay kooxda Argagixisada Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Somalia.

Warbixinta oo la dhigay Website-ka UN-ka waxaa sidoo kale lagu xusay in Adeegii Zaad Service ee Al-Shabaab xireen uu ahaa mid Ahmed Nuur Cali Jimcaale u sameeyay Kooxda Al-Shabaab si aan dhaqaalahooda u yeelan raadraac.

Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia Shariif Sheekh Ahmed iyo Ra’isulwasare Cabdi Wali Gaas ayaa warqad ay ku naqdinayaan Warbixinta ICG u qoray beesha Caalamka iyagoo xogta ICG oo dhan ku tilmaamay dacaayad qaawan oo xaqiiqada ka fog.

Ra’isulwasaraha Somalia Abdiwali Gaas ayaa tibaaxay in Warbixinta ICG faafisay qeyb ka tahay dagaalka Mr Mathhew Bryden iyo dacaayadaha uu doonayo inuu ku dumiyo Qaranimada Somalia.

“Mr Mathhew Bryden waa la ogyahay inuu qabo gabadh u dhalatay beesha Isaaq iyo inuu heysto baasaboor Somaliland halkii looga fadhiyay inuu qaato baasaboor Somalia ,waanu ognahay inuu faafiyo dacaayada iyo rabitaanka qolada uu gabadha ka qabo gaar ahaan qolada Dahabshiil oo hore u xirtay Barakaat maantana dooneyso inay Shirkadaha Hawiye ee tartanka kula jiro xirto”ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha dhaqanka Hawiye Mohamed Hassan Xeeyd.

Mohamed Hassan Xeeyd wuxuu beelweynta Hawiye ugu baaqay inay si wadajira uga hortagaan Dacaayada joogtada noqotay ee Mr Mathhew Bryden ku hayo Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada Beesha Hawiye.

Inkastoo lagu wado in Qaramadda Midoobay si rasmiya ugu dhawaaqdo in liiska argagixisada laga saaray Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale saacadaha soo socda,hadana waxyaabaha ku qoran Warbixinta ICG waxaa lagu tilmaami karaa kuwa xaqiiqada ka fog %85 oo sanad walba lagu bartilmaameedsado ganacsatada iyo siyaasiyiinta Hawiye.

Warbixinta ICG waxay tibaaxday in ZAAD SERVICE loo sameeyay Al-Shabaab laakiin ZAAD waxaa xiray Al-Shabaab oo ku eedeeyay inay u adeegayaan Reer Galbeedka.

Qodobka labaad wuxuu yahay ZAAD SERVICE lacagaha lagu kala xawilan karo waxaa ugu badnaa 150$ ooLocal ah taas oo iyana meesha ka saareeyso inay Al-Shabaab u adeegsan kareen dhaqaalo isu diris .
Warbixinta ICG waxay Hormuud Telecom ku eedeeysay inay maalgeliso Al-Shabaab hasse yeeshee baaris ay sameeyeen Wariyeyaal madaxbanaan ayey ku ogaadeen in saamiga ugu badan ee Shirkadda leeyihiin saamileey Somalia oo kor u dhaafaya shan kun oo qof kuwaas oo iskugu jira nuuc walba.

Hadii Hormuud Telecom xiriir  la leedahay Al-Shabaab kuma guuleeysateen adeegyada ay siiso shacabka Soomaaliyeed maxaa yeelay bulshada Soomaaliyeed %92 waa kuwa neceb argagixisada Al-Shabaab oo gumaaday. Warbixinta ICG waxaa lagu tilmaami karaa mid si gaara ugu adeegee Shirkadda Dahabshiil oo dagaal wejiya badan kula jirta Shirkadaha ku heysta suuqa ganacsiga Sida Hormuud Telecom iyo adeega Zaad Service oo kala wareegay macaamiishii gudaha Somalia.

Maamulka Hormuud Telecom qaladkoodu wuxuu yahay inaysan ka jawaabin dacaayadaha laga fidiyo sida tan ku soo baxday ICG oo qeyb ka mida laga xigtay Warbaahin weji qabiil ama mid dhaqaale kula dagaashan Shirkadda Somalia.

Waa dhab in Gudoomiyaha ICG Mr Mathhew Bryden qabo gabadh ka soo jeeda Magaaladda Hargeysa uuna heysto Baasaboor Somaliland.

WAA KUMA Mr Mathhew Bryden?????

Matthew Bryden waa masuul Canadian ah oo aqoon durugsan u leh arrimaha Geeska Afrika. Waxa uu la soo shaqeeyey hayádo kala duwan oo waaweyn oo ay ku jirto Q.M oo dano ka leh qaarada Afrika.
Matthew Bryden waxa uu si weyn ugu ololeeyaa oo taageeraa sidii somaliland ay madaxbanaani ku heli laheyd laakiin taasi sida muuqato way  u socon weysay.
xaaska Bryden uu qabo ee Ubah Bryden lagu magacaabo waxay ka soo jeedo Somaliland, waxaana lagu eedeeyaa inuu yahay nin ka soo horjeeda qadiyada Somaliweyn, isagoo si hoosena uga shaqeeya sidii ay u sii jiri laheyd fowdada iyo kala dambeyn la’áanta koonfurta Somalia.
Arrintaasi ayaa lagu macneeyey in Bryden uu doonayo haddii ay sii fogaato xasilooni darada Somaliya inay fursad u tahay in ay meel marto Somaliland oo aakhirkii ay hesho aqoonsi caalamiya oo ay noqoto dowlad madaxbanaan.
Bryden waxa uu qoray buug uu kaga hadlayo Somaliland. Waa muwaadin Canadian ah laakiin haysta passport Somaliland ah.
Bryden waxa uu ku dhashay Canada sanadkii 1967, waxa uu galay jaamacada McGill University intii u dhaxeysay 1985 iyo 1988. Waxa uu guursaday Ubah Bryden, oo ah gabadh Somaliyeed oo ka soo jeeda waqooyiga Somaliya. Waxa ay u dhashay saddex caruur ah, laba wiil iyo gabadh, waxa ayna  hadda degan yihiin Nairobi, Kenya.

Bryden waa nin laga baqo oo awood balaaran ku dhex leh beesha Caalamka,waxaana la rumeeysan yahay inuu ku milmay siyaasadda Somalia.

Warbixinada Mathrew Bryden wuxuu sanad walba uga hadlaa dad u dhashay qabiilada Hawiye iyo Daarood laakiin taariikhda marna ugama hadal shaqsiyaad ama Shirkada ka soo jeedo qoyska uu gabadha ka qabo ee Isaaq.marka laga reebo kuwa sheegtay inay Al-Qaacida ka tirsan yihiin.

Waa suurtagal Bryden inuu ugaarsado Wariyaha Warbixintaan ka qoray.

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.