galmudugnews.com

Home » WARARKA » Xasan Cujeer oo noqday Muusikiistaha Sanadka iyo Karama oo la liiday.

Xasan Cujeer oo noqday Muusikiistaha Sanadka iyo Karama oo la liiday.

Waxaa Akhrisay :2241

Kataariistaha weyn ee Xasan Cujeer Cajami oo labadii sano ee la soo dhaafay xirfad sareeysa la soo galay masraxa tumista Muusikada ayey taageeradiisa cirka isku shareertay kadib markii dhamaan heesahii uu tumay laga dhex arkay farsamooyin ka duwan habka ay Muusikada u tumaan Muusikiistayaal ismahdiyay balse xirfadooda noqotay mid sii daciifeeyso sanad walba.

Xasan Cujeer Cajami wuxuu taageerayaal fara badan ku helay habka uu Muusikada u tumo oo ah mid kala duwan ,aadna u qurux badan isagoo dhinaca kalena ah nin ku wanaagsan xaga balamaha iyo ixtiraamka bulshada.

Wiil ay dhashay allaha u naxariistee Faadumo Qaasim Hilowle oo lagu magacaabo Mohamed Karaama ayaa noqday ninka Muusikadiisa loogu neceb yahay sanadkaan halkii uu sanad ka hor ahaa ninka loogu jecel yahay.

Mohamed Karaama wuxuu noqday Muusikiiste tumo ,hal nuuc oo Music ah taas oo gaarsiisay in marka shanqarta Muusigiisa la maqlo hore laga yiraa waa qash qacdii Mohamed Karaama.

Waxyaabaha Mohamed Karaama bahdilay waxaa ka mida isagoo macaamiishiisa ka qaato lacagaha kadibna ka dhuunto oo telefoonkiisana ka xirto,sida fanaaniin badan ku eedeeyaan.

Mohamed Karaama waa nin balwada iyo tumashada ku waalan oo ay dhacdo inuu sedex habeen iyo sedex maalin oo isku xigto dhafar tumashaa galo kadibna ,jiifo sedex habeen iyo sedex maalmood.

Mohamed Karaamo mar uu Nairobi safar ku tegay wuxuu yiri “ Ebedkeey ma arag Nairobi ka hor meel sedex naag aan kula tunto hal qol”

Codad ay ka duubeen dumar jooga Magaaladda Nairobi ayaa la iskugu diray Emailo iyadoo sidoo kalena la soo dhigay barta Facebook taas oo ka dhigan karaamo dhac taariikhiya.

Si kastaba ha ahaatee,Xasan Cujeer Cajami waxaa loo aqoonsaday muusikiistaha sanadka.

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.