galmudugnews.com

Home » WARARKA » Somali laga tarxiilay Sweden oo Al-Shabaab xireen

Somali laga tarxiilay Sweden oo Al-Shabaab xireen

Waxaa Akhrisay :3721

Galmudugnews- Abdi Salan Adan Bare oo Ciidamadda Boliiska Sweden tarxiil ku geeyeen Mogadishu sanadkii 2009 ayaa laba sano kadib la ogaaday inuu nool yahay kadib markii uu ka baxsaday Xabsi ay ku xireen Maleeshiyadda Al-Shabaab oo uga shakiyay basaasnimo.

Abdi Salan Adan oo ah 31 Jir Somalia wuxuu Saxaafadda Mogadishu u sharaxay habkii Boliiska Sweden ku geeyeen Muqdisho iyo sida uu gacanta Al-Shabaab ugu dhacay.

“Ciidamadda Boliiska waxay iga xireen labada gacmood,waxaan isku dayay inaan diido masaafurinta laakiin waxay iigu hanjabeen inay I durayaan oo sidaas Muqdisho iiga dejin doonaan hadii aan ka hor imaado tarxiilkooda,midkood wuxuu igu dhahay anaga waxaan fulineynaa amarka Maxkamadda ee nagula faray inaan Sweden kaa tarxiilno” ayuu yiri Abdi Salan Adan Barre.

Abdi salan wuxuu tibaaxay inay Ciidamadda Boliiska Sweden ka dejiyeen Djibouti kadibna halkaas ka saareen diyaarad ka dejisay Mogadishu.

“ Waxaan imid Mogadishu oo burbursan ,anigoo argagaxsan ayaan wiil weydiiyay meesha laga raaco basaska Ceelasha Biyaha ,wuxuu iigu yeeray dabley Al-Shabaab ah oo Wareeysi dheer Ila yeeshay, kadibna gaari ayey igu riteen oo xabsi ayey ii taxaabeen”  ayuu yiri Abdi Salaan .

Abdi Salan oo wejigiisa cabsi badan iyo daal ka muuqatay ayaa yiri “ Al-Shabaab waxay igu yiraahdeen waxaad tahay basaas laga soo diray Sweden oo anaga naloo soo diray,waxaan u sheegay in Boliiska Sweden I soo masaafuriyay laakiin hadalkeyga ima rumeeysan balse nasiib wanaag laba jeer oo la doonayay in la I toogto waxaa la waayay Xaakimkii igu xukumi lahaa in la I toogto”

Inkastoo arrin la yaableh tahay in Dowladda Sweden qof Somalia Mogadishu ka dejiso sanadkii 2009 hadana mar la waydiiyay in masaafurintiisa uu ka warqabay Lawyer-kiisa wuxuu yiri “ Haa Lawyer-keyga waxaa la yiraa Gustur Gangar wuuna ka warqabay in boliisku yiraahdeen waana la masaafurinayaa sidoo kalena Amnesty International waa ogeed kiiskeyga laakiin habeen madoow ayaa la ila soo dhuuntay”

Abdi Salan Adan oo ila wareedyo ka tirsan qoyskiisa sheegeen inuu wiil ku feeray dalka Sweden hadana dhinaca kale wuxuu ka mid ahaa qaxootigii Denmark iska dhiibay sanadkii 2002 hasse yeeshee Nasiib daro sharci lagama siin wuxuuna iska dhiibay Ingiriiska iyo Sweden oo iyagana sharciga u diiday.

Somaliga ku sigtay in Al-Shabaab u dilaan sheegashadiisa in Sweden laga tarxiilay wuxuu tibaaxay inuu Mogadishu ka waayay qoyskiisa taas oo walaac horleh ku abuurtay.

Mar la waydiiyay Malaga yaabaa inaad Sweden ku laabatana wuxuu yiri “Hadii aan ku dhiman Mogadishu waxaan kiiskeeyga u gudbinayaa Hay’adaha xaquuqul insaanka balse dhibka jira wuxuu yahay inaana heysan lacag aan ku tago dalalka deriska sida Ethiopia ama Kenya”

Maleeshiyadda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Koofurta Somalia waxay xasaasiyad ka qabaan Somalida ay ku arkaan degaanadooda ee loo sheego inay ka tageen Europe iyo North America.

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.