Magaceyga waxa la yiraa Amina Jibril Axmed, waxa aan ahey hooyo Soomaaliyeed oo deggan degmada Wadajir ee magaalada Muqdishu. Waxa aan deganahay meel aan ka fogeyn halka ay ku noolyihiin Xaaska-weyn ee Cabdulqaadir Maxamed Nunow oo la yiraa Xalimo Cali Maxamed iyo saddexda wiil ee yaryar ee ay Nunow u dhashey iyo weliba hooyadii iyo qaar ka mid ah walaalihii.
Xaafadda aan deganahay ee Wadajir waxa todobaadyadii u dambeeyey dadka ku nool ay ku seexanayeen kuna soo waabariisanyeen hadal heynta masiibada ku habsatey walaashood Xalima Cali Maxmed iyo caruurteeda, ka dib markii duqeeda, Cabdulqaadir Maxamed Nunow loo xirey dambi, (haddii wararka na soo gaaraya ay run yihiin) uu gacmihiisa ku maleegey isaga.
Ka dib markii dadkeena la deriska ah Xalima ay na soo gaartey sheekada ku dhacdey; si xun ayeey noo taabatey ; waxana ay aniga igu dhalisey in aan ku dhaqaaqo baaris aan ku rabey in aan uga sal gaaro sababta dhabta ah ee dhalisey in Nunow la xiro. Waxana aan qoraalkan ku iftiimin doonaa wixii iiga soo baxey baaritaankii aan arinkan ku sameeyey.
Waxa la ii sheegey in Cabdulqaadir Maxamed Nunow uu Muqdishu ka dhoofey isagoo qasdigiisu ahaa in uu Yemen Tago oo markaas uu sii tahriibo Sucuudiga oo hadda ka hor laga soo masaafuriyay . Laakiin Boosaaso markii uu gaarey uu baroosinka dhigtey oo qasdigii uu u soo dhoofey iyo himiladii uu ka lahaa inuu Sucuudiga u tallabo uu baabkeedii laabey. Haddii aad degmada wadajir timaaddo waxa maalmahan markiiba aad maqleysa sida Xaliima ay ugu hagar baxdey Nunow dhoofintiisii oo ay ka dhoofisey lacag ay ka dhex shaqeysey suuqyada Muqdisho ee xabaddu joogtada uga socotey iyadoo mararka qaar mid ilmahiisa ka mid daadihineysey, mid kale dhabarka ku siddey; mid saddexdaadna uurkiisa ay laheyd.
CAKU NIN SOOMAALIYEED; YAA WAX U DHALI JIREY !!!!
Ninkii sidaas loo dhoofiyey markii uu tagey Boosaaso oo uu rabi u fududeeyey arsaaqdii ay Xalimo iyo ilmaheedu habeen iyo maalin ilaahey u baryi jireen oo VOA ay shaqo ka siisey PUNTLAND, ayuu ku kacey wixii ragga Soomaaliyeed ee caqliga xun ay ku dhaqaaqi jireen ( RAGGA OO DHAN MA AHIN) taas oo ah inuu ilaabo gacaladii dhibka la soo martey ee soo dhoofisey, oo uu hoosta ka galo gabar uusan horey u arag, halkaasna uu Abow Nunow ku ilaabey xaaskiisii Xalima iyo ilmihii ay u heysey iyo weliba lacgtii la ii sheegey in qaar ka mid ah ay u soo deynsatey si ay u dhoofiso.
Waxba waxbaa ka darane , dulmigii uu Nunow Xalima u geestey intaas kuma ekaan, markii nasiibkii ay u soo dhoofisey uu dhaley mirihii ugu macaanaa oo VOA ay Mareykank geeysey, waxa uu Nunow ku tashadey sidii uu xaaskii yareyd ee Boosaaso uuka helay uu Washington u geyn lahaa, sidaas ayuuna khaladkii hore mid kale ugu saxey.
Wararka aan Washington ka heleyno waxa ay sheegayaan in markii uu VOA ku biirey Nunow la weydiiyey inuu buuxiyo waraaqo badan oo qof kasta oo shaqo bilaabaya uu buuxiyo. Dukumintiga Nunow laga hayo waxa ku jira ayaa la yiri, qoraal dheer oo uu ku muujiyey in xaaskiisa magaceeda la yiraa Xalima Cali Maxamed iyo magacyada caruurtiisa, aabihiis, hooyadiis iyo walaalihiis.
HADDABA XAGEY WAX KA KHALDMEEN???
Markii Nunow uu qiyaastii hal sano joogey agagaarka Washington oo uu VOA ka shqeenayey, ayuu go’aansadey inuu xaasaskiisa midood uu geeysto Washington . Waa nin Soomaaliyeed iyo caadadiisee, waxa u iftiimey dhabanadii gabaSdhii cusbeyd ee uu Boosaaso ku guursadey, waxana uu iska ilaabey qoftii la soo jabtey ee Boosaaso u dhoofisey Xalima Cali Maxamed. Laakiin Ilaahey waxba kama qarsoona oo xaqa ma mooga, ee bal daawo waxa ku dhacay Nunow!!
Aboowe Nunow , maadaama uu Mareykanku horey ugu sheegey in xaaskiisa la yiraa Xalimo Cali Maxamed, waxa ay la noqotey in haddii uu qof magac cusub wata uu geeyo Amerika lagu qabsanayo, sidaas darteed ayaa isaga iyo min-yaradiisu isku tuseen in magacii uu awalba diiwaan galshey ay xaaska yar oo magaceeda naloogu sheegey Khadra Cali Xirsi ay baasaboor ku soo sameysato oo Khadra ku soo dhoofto Xalima Cali Maxamed. Sidaasna dadka oo dhan, xataa saaxiibada la jooga xafiiska VOA ee Washington uu Nunow indhaha carro uga shubey isagoo u sheegaya in qofta u timid ay tahey xaaskiisii joogi jirtey Muqdisho oo magaceeda la yiraa Xalima Cali Maxamed….alla been weynaa wiilku….allaha kaa dhaafo….
WALAALAYAALOW BAL DULMIGAAS MEEL U YEELA….
Ileen waa run marka la leeyahey xaqu feeraha ayuu ka dilaacaa…Nunow – Nabsigii uu ka galey xaaskiisa-weyn iyo caruurtiisa ayuu u xiranyahey.
Waxa aan u duceenayaa suxufiyiintii Xalima Cali Maxamed guriga ugu tagey bishan November bilowgeedii ee wareysiga ka qaadey iyo gaar ahaan idaacadihii maqalka iyo muuqaal ku soo daayey wareysigii Xalimo oo dhalisey in codkeeda la maqlo lana fahmo dhibka awal iyada u gaarka ahaa, laakiin maanta Soomaali badan ay ogtahey in xaalka Xalima Cali Maxamed uu iskugu soo biya shubtey in ninkii ay aamintey ee ay caruurta u dhashey uu iyada iyo ilmaheedaba khaa’imey.
Wareysigii ugu horeeyey ee Xalima bixiso waxa uu shaaciyey xaalka Xalima Cali Maxamed ee runta ah, gaar ahaan kii maqal iyo Muuqal ah een ka daawaney idaacadda KulmiyeNews ayaa noqdey ishaaradii gaarka aheyd ee ilaahey u soo direy in xaqa miskiinta Xalima Cali Maxamed ku shaac baxo, oo maanta adduunku ogyhey, annaguna haddii aan nahey dumarka Soomaaliyeed aan la qabno dhibka loo geestey miskiinta caruurta la balanbaleysa Muqdishu.
Aniga waxa aan ahey hooyo Soomaaliyeed, caruurteyda iyo ilamaha ay Xalima u dhashey Nunow dugsi quraan ayeey wada dhigtaan. Ilaa markii uu na soo gaarey warka ku saabsan xarigga Nunow iyo sababaha loo xirey; waan ilmeeyaa marka aan arko ilmihiisa masaakiinta ah, waxa aan ka calool xumaadaa sida ay u dar xun yihiin iyo wax uu u qaban karey iyo dayacaadda ka muuqata..Laakiin ilaahii markii horeba abuurey ayeey haddana leeyihiin.
Waxa aan rabaa in dhowr fariimood aan halkan ka diro. Midda ugu horeysa waxa aan u dirayaa saxaafadda Soomaalida oo beryahan noqotey gole ay raggu Soomaalidu siyaasadda iyo qabiil kaliya uga sheekeeyaan oo inta badan indhaha ka daboolata mowduucyada xasaasiga ee bulshda ee wax ka qabadka u baahan; sida midkan oo kale. Waxana aan leeyahey runta ka sheega dulmiga joogtada ugu dhacaya hooyooyinka Soomaalida.
Fariinta labaad waxa aan u dirayaa dadka Soomaalida ee jooga Washington iyo dhulka uu Nunow ku xiran yahey. Maalin dhaweyd waxa la ii sheegey in lacag ururin loo sameeyey Nunow, waraaqihii dadka loo qeybiyeyna ay ku taaley u gargaara Nunow iyo Xalima… war Ilaahey ka cabsada… aakhiro ayaa idinka dambeysa…haddii aadan horey u ogeyn, haddaba ogaada Xalima Cali Maxamed Muqdishu ayeey joogtaa ee waxa magaceeda lagu urushey wax ha looga soo diro Telefankeeduna waa: Hormuud + 25261 5735105.
Fariinta sadexaad waxa aan u dirayaa VOA iyo madaxda Mareykanka ee Nunow u xiran yahey….waa in ay fahmeen in nimanka Soomalida ay caado u tahey in markii jeebkoodu uu soo yar buurto ay caqliga lumiyaan oo hawada iyo shahwaadkoodu ka saacid-caleeyaan ama ka caqli badshaan oo gabartii ka hor timaaddaba uu damac ka galo oo ay hunguriyeeyaan….ceebtooda ma ahin ee waa caaadadooda…Waxa Mareykanka aan u sheegayaa in ay tix-galiyaan in Nunow ay ku xiriiraan ilmo masaakiin ah oo aan war ka heynin waxa uu u xiran yahey iyo hooyadood oo murugadii hore ay hadda u dheertahey dhibka la socda korinta ilmo aabahood maqan yahey oo aan la ogeyn goorta uu u imaanayo. Sidaas darted, waxa aan Mareykanka ka codsanayaa in ay indho raxmad leh ku eegaan qadiyadda Nunow.


hjhjhujj