galmudugnews.com

Home » WARARKA » FBI-da Mareykanka oo xabsiga dhigay Cabdi Casiis Xogolof .

FBI-da Mareykanka oo xabsiga dhigay Cabdi Casiis Xogolof .

Waxaa Akhrisay :6060

Galmudugnews.com- Ciidamadda Sirdoonka Dalka Mareykanka ayaa xabsiga u taxaabay Cabdi Casiis Xaashi Xogolof oo ka mid ahaa Somalida ku nool Magaaladda Sandiego.

23 October 2011 – 7:46 Fiidnimo ayaa Cabdi Casiis Xogolof la qabtay xilli uu Isbitaal geeynayay Caruur uu dhalay,waxaana Caruurta loo wacay hooyadood oo ka kaxeeysatay Isbitaalka.

Ciidamadda Sirdoonka Mareykanka ayaa ku dhawaad halsano daba joogay Cabdi Casiis Xogolof oo isku heysto dhalashooyinka Holland iyo Mareykanka.

Cabdi Casiis waxaa lagu eedeeyay inuu lacago u diri jiray Al-Shabaab taas oo cadeeynteeda laga helay Xawaaladaha Somalida iyo dhageysi lagu sameeyay telefoonkiisa.

Qaar ka mida Jaaliyadda Somalida ee dalka Holland ayaa sheegay in Cabdi Casiis Xogolof oo labada Gacmood ka xiran  laga dejiyay Garoonka Schipol ee Magaaladda AMSTERDAM Holland halka warar kalena sheegeen inuu wali ku xiran yahay dalka Mareykanka.

Sarkaal ka tirsan Ciidamadda Sirdoonka Dalka Mareykanka ayaa sheegay inay Cabdi Casiis Xogolof ka raaceen Magaaladda Minneapolis oo uu ka sameeyay rabshado iyo shirar uu xagjiriin Somalia ku casuumay.

“Gurigii uu martida ku ahaa ayuu u dhaqaaqay Cabdi Casiis kadibna wuxuu furaha guriga ka tuuray meel hoose,wuxuuna u dhaqaaqay dhinaca Sandiego”ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Ciidamadii hoowlgalka lagu qabtay Cabdi Casiis fuliyay.

Sarkaalka wuxuu tibaaxay in Ciidamadda FBI-da wareeysiyo kala duwan la yeesheen Cabdi Casiis Xogolof tiro ka afar jeer.

Laba ka mida raggii la shaqeeynayay Cabdi Casiis Xogolof oo lagu kala magacaabo Cumar Suuri iyo Cabduqadir Qalabxoor ayey Ciidamadda Boliiska Ingiriiska kala baxeen guryahooda,waxaana la sheegay in wareeysiyo kala gooniya laga qaadi doono

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.