Galmudugnews.com- Sarkaalkii dhanka Security u qaabilsanaa Hay’ada DDG oo Lagu Magacaabo Cabdi risaaq Macalin Dheere ayaa Magaalada Gaalkaco ka afduudtay 2 Sarkaal oo cadaan ah una dhashay Denmarka Iyo Maraykan oo isla hay’adaas ka tirsanaa .
Saadaq ayaa labada Samafale saacadahaas ka hor ka keenay Garoonka Magaaladda Galkacyo.waxayna ila wareedyo sheegeen in afduubkooda uu ka shaqeeyay Siyaasi lagu magacaabo Cumar Suuri kaas oo la sheegay inuu waayahii dambe la shaqeeynayay maamulka Puntland.
Lama garanayo halka lala aaday walow wararka qaar sheegayaan in lagula baxay dhanka wadada hobyo waxaana haatan socdo dadaalo ay wadaan mas’uuliyiinta Galmudug kuwaasi oo ku hoowlan sidii ay u soo qaban lahaayeen kooxda afduubka geystay.
Afduubka Sarkaalkaan uu kula kacay dadkaan uu la shaqaynayey ayaa waxa si aad ah ula yaabay shacabka Gaalkacyo maadaama Sarkaalka afduubka ku kacay uu ahaa mid isagu ka mus’uul ah amnigooda
labadaan qof ayaa u kala dhashay Danmark Iyo Mareykanka Waana markii Ugu horeysay ee Fal nuucaan ah uu ka dhaco Deegaanada Galmudug
Ila wareedyo madaxbanaan ayaa sheegay in afduubka lagula kacay samafalayaasha ajnabi laga abaabulay Puntland si dunida loogu muujiyo inay Galmudug aheyn degaan amaana.
Faroole ayaa lacago badan ku bixiyay sidii loo qalqal galin lahaa Galmudug,waxaana la sheegay inuu qandaraaska cusub siiyay Cumar Suuri.
Sarkaalka afduubtay Samafalayaasha iyo Cumar Suuri ayaa la xaqiijiyay inay isku heyb hoose yihiin sidoo kalena wuxuu Saadaq ka mid ahaa gacan yarayaasha dhinaca amaanka ee Cumar Suuri.

