galmudugnews.com

Home » WARARKA » Faroole oo lacag ku baxshay sidii loo kala qeybin lahaa beelaha Galmudug iyo Shir fashilmay.

Faroole oo lacag ku baxshay sidii loo kala qeybin lahaa beelaha Galmudug iyo Shir fashilmay.

Waxaa Akhrisay :3828

Galmudugnews.com- Wasiirkii hore ee Iskaashiga Caalamka iyo amniga Maamul Goboleedka Galmudug Mr Cumar Suuri ayaa la xaqiijiyay inuu lacag dhan laba boqol kun oo dollar ka qaatay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Mr Cabdi Raxmaan Faroole.
Faroole ayaa la sheegay inuu lacagta u siiyay Cumar Suuri sidii uu ku fashilin lahaa Maamul goboleedka Galmudug isagoo u adeegsanaa beesha uu ka dhashay iyo beelaha la saaxiibkaa.
Shirkii ugu horeeyay ee la doonayay in lagu kala qeybiyo beelaha Galmudug ayaa fashil ku dhamaaday kadib markii ay ka qeybgaleen qaar ka mida Jaaliyadda Puntland,Xubno Al Itixaada iyo nin jecel khudbad jeedinta ama ku hadlida Makarafoonka oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Axmed Xasan Yare.
Cumar Suuri ayaa ku guuldareeystay inuu helo kalsoonida beesha uu ka dhashay ee Sacad gaar ahaan reer Hilowle ka gadaal markii ay qaadaceen shirka loo abaabulay in lagu kala qeybsho beesha Sacad.
Shirka Cumar Suuri uu ku qabtay Maqaayad ay leeyihiin ganacsato la reera Cabdi Raxmaan Faroole waxaa tegay 23 qof oo u dhashay beesha Majeerteen,11 reer Xamara iyo 6 Sacad Habargidira.
Faroolaha Puntland ayaa ka walaacsan horumarka ay ku tilaabsatay Galmudug iyo taageeradeeda cirka isku shareertay,wuxuuna ku hoowlan yahay sidii uu ku fashilin lahaa furida Dekadda Hobyo iyo sidii xumaan loo kala dhex dhigi lahaa beelaha Galmudug.
Shaqsiyaad u dhashay Beesha xubnaha ugu badan ee Galmudug ku magacaaban ee Sacad ayuu Faroole doonayaa inuu fashilintiisa Galmudug u adeegsado.
Cumar Suuri waxaa la sheegay inuu qorshahiisa cusub kala shaqeeynayaan Cabdi Casiis Xogolof iyo sedex nin oo aan magacaabistooda ka gaabsanay.
Si kastaba ha ahaatee,Jaaliyadda Galmudug ee dalka Mareykanka ayaa go’aan mida ka qaadatay Shirkii fashilmay ee Safari Hotel ay ku qabteen.
NIN DHARBAAXO QUUREED DUGSADAY DHAQANYADEED MAALE” Maka suurtoowda beesha reer Hilowle inay aqbalaan qeeyladhaanta Cumar Suuri iyo qandaraaska Faroole”?
Waa Jawaab u baahan in lala sugo waqtigeeda!!

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.