Galmudugnews.com- Madaxweyne Maxamed Axmed Caalin ayaa jir xumo iyo juuq la’aan kala kulmay Jaaliyadda Galmudug ee Qaaradda Yurub kuwaas oo socdaalkiisii hore u sameeyay soo dhaweeyn heer Qaran.
Tiro aan ka badneen labaatan qof ayaa Garoonka Hethrow ee Magaaladda London uga hortagtay Madaxweynaha Galmudug taas oo la sheegay inay niyad jab siyaasadeed ku riday maadama dalka Ingiriiska uu yahay kan ugu weyn ee Qurba joogta Galmudug ku nool yihiin.
Qaar ka mida hoowlwadeenada Jaaliyadda Galmudug ee UK ayaa Galmudugnews.com u sheegay in Madaxweyne Caalin lumiyay taageeradii Jaaliyadda Yurub ,taasina ay qasabtay inay albaabadda ka laabtaan.
Maxamed Axmed Caalin oo lagu waday inuu booqdo Jaaliyadaha Sweden iyo Norway ayaa la sheegay inuu safarkiisa u weeciyay dalka Mareykanka ka gadaal markii uu xaqiiqsaday inuu lumiyay taageeradii Yurub.
Ingiriiska,Sweden iyo Norway waxaa ka jira halku dhigyo qurba joogta Galmudug ka dhigteen Jawaab marka la waydiiyo sida ay u arkaan,waxaana ka mida “CAALIN XIRIIR LA YEELAN MEEYNO,XUMAANA U GEEYSAN MEEYNO”
Inkastoo ay jiraan dad aaminsan in la xushmeeyo maadama uu wato magaca Madaxweynaha Galmudug hadana qurba joogta waxay fikradooda ku cabirayaan falsafada ah” RUN HA SHEEGIN,BEENA HA SHEEGIN,WAXAAD SHEEGTANA HA WAAYIN”
Koox la magac baxday ISMOOG oo ka mida kuwii lumiyay taageerada Madaxweynaha Galmudug ayaa Internet-ka ku qoray Ogeysiis la xiriira in Xaflad lagu soo dhaweeynaa Caalin lagu qaban doono London hasse yeeshee hoowlwadeenada waaweyn ee Xafladaha Galmudug waxay ku sifeeyeen SHIMBIRAYAHOOW HEESA iyo HAWAAWI MAANGAAB.
Ila wareedyo ayaa sheegay inuu Caalin ka fiirsanayo inuu xafladaas tago iyo inuu iska dhaafo waloow la taliyeyaashiisa u muujiyeen walaac badan.
Lixdii gabdhood ee ugu caansanaa qabanqaabinta xafladaha London ayaa ka dhaartay inay Madaxweyne Caalin hor fariistaan ama xaflad u sameeyaan.
Maxamed Axmed Caalin ayaa hore ugu gefay qaar ka mida gabdhaha ugu firfircoon qurba joogta Galmudug ee Yurub.
Si kastaba ha ahaatee,waxaa la wada eegayaa soo dhaweeynta loogu sameeyo dalka Mareykanka.

