galmudugnews.com

Home » WARARKA » Al-Shabaab oo Lug iyo gacan ka gooynaa Wiil Xawaaladda Ladan Express u gacangelisay

Al-Shabaab oo Lug iyo gacan ka gooynaa Wiil Xawaaladda Ladan Express u gacangelisay

Waxaa Akhrisay :3187

Galmudugnews.com- Xawaaladda Ladan Express ayaa wiil lagu magacaabo Maxamed Deeq Jeelle u gacangelisay Maleeshiyadda Al-Shabaab kuwaas oo shaaciyay inay gacan iyo lug ka gooynayaan .
Maamulka Xawaaladda Ladan Express ee Degaanka Ceelasha biyaha ayaa Maxamed Deeq Jeelle ku eedeeyay inuu ka dhacay lacag hasse yeeshee dhalinyaradda Xaafadda Buur Hindi ayaa Waagacusub u sheegay in gacan iyo lug gooynta Maxamed Deeq tahay mid ku saleeysan aargoosi qabiil.
Maxamed Deeq oo u dhashay beesha Sacad Habargidir gaar ahaan Abokar Culus waxaa dhalay Oday caana oo lagu magacaabo JeelleJidka.
“Rag ka shaqeeya Xawaaladda Express oo ku duulaya aargoosi qabiil ayaa Maxamed Jeelle dacweeyay kadibna waxaa watay Al-Shabaab,waxayna noo sheegeen in Lug iyo Gacan laga gooynaa todobaadkaan oo la geyn doona Calamada”ayuu yiri Sadiiq Cabdi Fitaax oo ka mida dhalinyaradda Xaafadda Buur hindi ee Degmadda Wardhiigleey.
Sadiiq wuxuu tibaaxay in gacan iyo lug goynta Maxamed Deeq uu ka shaqeeyay nin degan dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Khaliif Raage kaas oo walaalkiis lagu dilay Dhegtuur.
Waalidiinta dhalay Maxamed Jeelle ayaa Hay’adaha xaquuqul Insaanka iyo Bulshadda Soomaaliyeed ka codsaday inay gacan ka siiyaan Maamulka sare ee Xawaaladda Ladan Express cadaadis loogu saari lahaa inay joojiyaan gabood falka Wakiilkooda Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee,Gacan iyo Lug gooynta Maxamed Deeq waxaa fulin doona Sarkaalka heysta Maleeshiyadda Al-Shabaab ee Ceelasha biyaha oo lagu magacaabo Cali Eelaay.

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.