Galmudugnews.com- Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaad 81 arday Soomaaliyeed oo ku nool Kenya ku wareejisay deeq waxbarasho oo dowladdu ay ka heshay dalalka caalamka qaarkood.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya waddanka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko iyo wakiil ka socday Wasaaradda Waxbarashada oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta safaaradda ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in 81 arday oo oo ku nool Nairobi kuna guuleystay imtixaankii ay dhawaan qaaday Wasaaradda Waxbrashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee dalka Suudaan.
Safiirka Soomaaliya ayaa sheegay in ardaydaan ay ku jiraan 31 arday oo ka yimid xeryaha qaxootiga ee dhadhaab, kuwaas oo dadaal dheer oo ay safaaraddu sameysay ku helay fursada Waxbarasho, wuxuuna sheegay damjiruhu in ay arrintaasi tahay mid dhiirri gelineysa Soomaalida ku qaxay dalka dibaddiisa.
Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa sheegay in safaaraddu ay si bilaash ah ardayda qaxootiga ah ugu sameyn doonto Baasaboor iyo dhammaan Dukomintiyada ay ku safrayaan, maadaama aysan awood u lahayn in ay iska bixiyaan, wuxuuna sheegay in safaaraddu ay dowladda dhexe la kaashaneyso arrintaasi.
Cabdi risaaq Maxamed Ducaale oo Wasaaradda Waxbarashadu u wakiishay arrintaan ayaa tilmaamay in Wasaaraddu ay 320 arday oo ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa u heshay deeq Waxbrasho oo dalka dibaddiisa ah, kuwaas oo bishaan dhexdeeda aadi doona dalalka Turkiga, Sudan, Jordan, Yemen iyo Pakistan.
Qaar ka mid ah ardayda oo ka hadlay halka shirka lagu qabtay ayaa walaac ka muujiyay haddii deeqda Waxbarasho noqoto mid qabyo ah, oo ay dhacdo in ardayda ay iska bixiyaan Raashinka, Jiifka ama Daawada, hase yeeshee wakiilka Wasaaradda Waxbarashada ayaa u sheegay in kaalmaha ay ardaydu kala galeen ay ku xirnaan doonto deeqaha ay helayaan.
Sadexdii sano ee la soo dhaafay Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ayaa kumanaan arday ah oo ku noolaa gobollada dalka iyo dalalka deriska ah gudoonsiisay Deeqo Waxbarasho oo dowladda Somalia ka heshay qaar ka mid ah dalalka Caalamka, Imtixaano caddalad ku dhacay ayaana lagu xulay ardaydaas ku meel maray dhibcihii ay keensadeen, dalal kala duwana iminka duruus ku qaadanaya si bilaash ah.
Home » WARARKA » Dowladda Somalia oo gacan weyn u fidisay arday deeq Waxbarasho ka helay Sudan
Dowladda Somalia oo gacan weyn u fidisay arday deeq Waxbarasho ka helay Sudan
Waxaa Akhrisay :1342

