galmudugnews.com

Home » WARARKA » Siyaasiyiin Caan ah” Wali Leelkase iyo Al-Shabaab Miyaa la is ku Daba wadaa Puntlaney:?

Siyaasiyiin Caan ah” Wali Leelkase iyo Al-Shabaab Miyaa la is ku Daba wadaa Puntlaney:?

Waxaa Akhrisay :4367
 Anoo qiyaasaya intiina nasiibka u heshay in ay qoraalkaygan akhriyaan in aad tihiin dad wax badan ka og Dulaanki gardarada ahaa ee bishaan bilowgeedi lagu qaaday Xaafada Garsoor Galkacyo oo ay dagto beel ka mid ah kuwa Puntland dhistey ayaan jeclaaday in aan wax yar ka dhaho Hadalo ay kusoo cel celinayaan Kuwo Calooshood ushaqaystayaal ah oo doonaya in ay dhiiga dadka shacabka ah banaystaan aygoo Argagixiso ku tilmaamaya  sheegayana in Dagaalki Garsoor ay ka qayb qaateen Al Shabaab  Beesha Xaafada lagu duulayna Ay Ururkaas Gacansaar la leedahay.
 
Xubno Dhawr ah oo katirsan Maamulka Puntland laguna yaqaano Siyaasad xumo iyo Qar iska tuurnimo uuna horkacayo Madaxweyne Faroole ayaa tan iyo Markii si xun loogu soo jabshay dulaanki Gardarada aan geedka loogu soo gaban ee ay Garsoor ku qadeen ayaa waxa ay caadaysteen in ay dhahaan Garsoor Al Shabab ayaa jooga  oo dagaalka qayb ka ah,  hadaba ayadoo lawada ogaaday in xaafadaas aysan joogin habayaraatee wax Argagixisinimo kulug leh urur kay rabaanba ha ahaadeene  Taas oo lagu sii cadayn karo Booqashadii Xaafada Garsoor ay guriguri ugu soo mareen  Wafuudii Nabadeynta ee Beelweynta Darood ee Maalmahan Galkacyo kusugnaa ayadoo ay sidiiran Xaafada ugu soo dhaweyeen Dhalinyaradii  Xaafada difaaca  uga jirey una sheegay in ay Maleeshiyo Beleed yihiin, Wafuuda Nabadeynta oo Xaafada lagu soo dhexlugeysiiyey ayaa waxaa sacab iyo mashxarad ladaba joogay Hooyooyinka iyo Caruurta Xaafada oo ayagu ku dhawaaqayey Shabab manihin mana naqaan anagaa Kaare nalagu xasuuqey Argagixisana nalagu sheegay.
 
in aysan Garsoor Shabab joogin waxaa kaloo cadayn u ah Hadaladii Halmar si wada jir ah  uga soo yeeray Nabadoona, Odayaasha iyo Siyaasiinta Beesha lagu duulay oo xataa Qaarkood Wasiiro, Gudoomiyayaal iyo Xildhibaano ka ah Maamulka Puntland ayagoona dhammaan Ay Masuuliyiintaas idaacaha si wada jir ah uga   shegeen in Beeshooda dagaalkaas  lagu soo qaaday ayna is ka difaaceen  cidkaloo lajoogtana aysan jirin ee lagu been abuurtay, aan kuugu sii daree Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cornel Maxamed Axmed  Caalin oo lawada og yahay  sida uu  Al Shabaab uu unicib yahay  ayaa ku dhawaaqay in Meesha Alshabaab joogin dagaalkuna yahay Dagaal Qabiil, Aan kuugu sii xoojiyee Hogaamiye Maxamed Dheere oo lawada og yahay Asaga iyo Alshabaab heerka ay kala jogaan ayaa Xalay idaacad Muqdisho ku taala ka sheegay in wax lala yaabo ay tahay in beel dhan oo ah beesha Leelkase Puntland ku tilmaamto Argagixiso, Asagoona sheegay in dagaal kaas yabay mid udhaxeeya beeshaas lau soo duulay iyo Maamulka Puntland, Alshabab na aysan halkaas ka dagaalamayn.
 
Hadaanu dhihi lahayn  Masuuliyiinta Beesha lagu duulay , Madaxweynaha Galmudug iyo Hogaamiye Maxamed Dheereba wax bay qarinayaan ayagoo si kale wax uwada Hadde waa kan Gen Maxamad Daahir Shinbir oo ah sargaal sare oo ka tirsan Sirdoonka Puntland  oo cadeeyey Kadib markii ay Baaritaano xoogan iyo Kormeer ku sameeyeen xaafada Garsoor ay kusoo ogaadeen in aysan wax lug ah ku leh Argagixisanimo Ama Shabaaba aysan ku luglahayn Dagaaladii lagu hoobtey ee dhawaan Xaafadas ka dhacay ee udhaxeeyey maleeshiyo Beleed iyo Maamulka Shacabkiisa dib ugu soo noqday,  Ayadoo ay arimuhu saas ucadaadeen ayaa waxaa layaab iyo ceeb kaloo soo degdegtay noqotay Markii Puntland soo bandhigtay  Magacyada iyo Sawirada Dad Masaakiin  Reer Bay iyo Bakool ah oo Ciidamada Ashahaada ladirir ku ka dhexqabsadeen Magaalada Galkacyo ayagoo is ka Xamaalanaya Alshabab-na lagu shaabadeeyey Ayagoo Dhalinyaradaas lagu Baraxtirey ama lagu daray si beentu ushaqayso Dhawr Wiil Dhalinyaro ah oo Xaafada Garsoor laga kaxaystay Maalmihii Dagaalku socday kuwaas oo ayana AL-shabaabnimada lagu dan gaaro lahuwiyey.
 
 
Hadaba Akhristow hadii Arinku saas ucadyahay maxaa loo safiran karaa in wali Qaar ka mid ah Madaxda Puntland oo Faroole uhoreeyo ay dhahaan Alshabab ayaa la dagaalnay, Horta kow waa is ka cadahay in Nabadeynta Beesha Darood wado in Oraahdaan ah Leelkasa Shabaab ah lagu carqaladaynaayo oo la doonayo in aan Heshiis dhicin oo dadka walalaha ah ee wax kala tabanaya Gacmaha isi saarin, sidoo kale dad badan ayaa qaba In markii Ciidamadii Puntland oo dhan oo Tignikadooda ku qalabaysan lagu jabiyey dagaaladii labada maalin socday si fool xun  ay doonayaan in ay Jabkooda Boor ku qariyaan oo ay dhahaan Maleeshiyo Beleed Ciidamadeeni kama adkaane si kalaa wax ujiraan Argagixiso iyo Beeshaas oo is garab sanayaa najabshay, halka dad kaloo aan yareyna oo Somaliweyn kawada tirsana ay qabaan in Maamulka Faroole uu donayo in uu mar kale  Doonayo in uu Dulaan soo qaado oo uu xasuuq xaafadaas ka geysto Asagoo Argagixiso ku awr kacsanaya, balse waxaan rajaynaa waa nabad iyo in laga gudbo xaaladaha dagaal ee Gobolka hareeyey aana tageerno Nabadaynta aan loo kala harin ee sida xawliga uxiimaysa ducudana aan ku tageerno.
 
Nuurudiin Ahmed Cigaal –
Galkacyo Somalia 
Garsoor2011@hotmail.com

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.