galmudugnews.com

Home » WARARKA » Nin ka tirsan Al-Shabaab oo laayay rag uu ka mid yahay taliyaha Puntland

Nin ka tirsan Al-Shabaab oo laayay rag uu ka mid yahay taliyaha Puntland

Waxaa Akhrisay :6535
Ciidanka Puntland ayaa Kala Kulmay Iska caabin Xoogan Nin U Dhashay Beesha LEEL KASE oo Lagu Eedeeyey In uu Katirsan yahay Xarakada Shabaab ee Dilalka Kafuliya Deegaanada Maamulka  Puntland Waxaana Weerarkaasi Ku dhintay 3 Qof Iyo Dhaawac 7 kale oo Uu ka mid yahay Taliyihii Ciidanka  Boolis Puntland ee Gobolka Mudug

 Rasaasta ay isweydaarsadeen labada dhinac Waxaa Ku geeriyootay Gabar Lagu magacaabo Hoodo oo kasoo jeeda Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug taasi oo maydkeeda la geeyey isbitaalka Koofurta Galkacyo.

Ciidanka Puntland ayaa Goobto iskaga laabtay iyadoo aysan wali gacanta ku dhigin Ninka ay doonayeen inay xiraan

Goobta Lasoo weerar ee uu ku sugnaa ninka la doonayey ayaa ah Meel Studio Cajaladaha Diiniga Lagu Duubo

Wixii warar ah ee Soo kordha Kala soco Galmudugnews.com

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.