Galmudugnews.com -Baaris ay si wadajira u sameeyeen Wariyeyaal madaxbanaan ayaa lagu ogaaday in Abdulkadir M. Nur iyo shirkadiisa looga been abuurtay Warbixin lagu daabacay Wakaaladda Wararka AP 15 August 2011 taas oo lagu sheegay inay Bakhaar lagu keydiyo cuntada WFP ku leedahay Dhabarka dambe ee Hotel Naaso hablood Muqdisho.
Wariyeyaasha madaxabanaan oo Video iyo sawiro ka soo qaaday Bakhaarkii oo ku laheeyd Muqdisho oo burbursam iyo degaanadda oo ka hoowlgasho waxay xaqiijiyeen inuusan jirin Bakhaar ku yaal dhabarka Hotel Naaso Hablood uu shirkadiisa iyo isagaba ay leeyahiin.
“Warbixintii AP lagu daabacay ee lagu sheegay in Abdulkadir Enow ka iibsaday ganacsato raashinkii WFP ee mucaawiniada ,xaqiiqatan waxay nagu qasabtay inaan mudnaan gaara siino oo dabagal waqti dheer qaatay ku sameeyno laakiin waxaan ogaanay inay aheyd mid runta ka fog ,oo sal iyo raad laheyn”ayuu yiri Wariye Abdirizak Black oo Telefishinka Somali Channel Muqdisho uga warama.
” Ma garan karo Warbixinta AP ujeeddaa laga lahaa hasse yeeshee waxaan ogaanay in ganacsade Abdulkadir uusan wax cunto ah u daabulin WFP mudo ka badan 16 bilood, sidoo kalena la bililiqeystay Bakhaarkii Muqdisho uu ku lahaa “: ayey tiri Fadumo Farah Ali oo ah Wariye ka hoowlgala Sunatimes.com iyo Radio Muqdisho.
“Xafiiska WFP Nairobi oo aan waydiinay waxa ka jira arrintaan ,ayaa waxay noo xaqiijiyeen in aysan arrintaas waxba ka jirin, warbixintaas ku sifeeyeen mid looga been abuurtay ganacsadaha lasoo eedeeyay, qalqalna lagu gelinaayo habsami u socodka macaawinooyinka loogu tala gallay dadka tabaaleysan. ” sidaana waxaa ku waramay Saxaafiyadda Muhiima Ahmed oo ka tirsan Radio Simba iyo Sunatimes.com.
Warbixinta lagu daabacay AP oo Warbaahin badan xigteen ayaa u muuqatay mid aan si fiican loo soo baarin, la sheegay inay tahay Barabagaan ama dacaayad ay abaabuleen shaqsiyaad dagaal qaboow kala d`haxeeyo Abdulkadir Eenow kuwaas oo Wariyaha AP u sheegtay inay yihiin Ganacsato Somalia, arrinta noocaan ah ayaa waxay dhaawac ku tahay warbaahinta madax banana.
By Abdisalan Abdulle
Mogadishu-Somalia

