galmudugnews.com

Home » WARARKA » Ra’iisul Wasaare Gaas oo Soogaaray Galmudug+Daawo Sawiro

Ra’iisul Wasaare Gaas oo Soogaaray Galmudug+Daawo Sawiro

Waxaa Akhrisay :7506

Wafdiga uu Hogaaminayey Ra’iisul Wasaare C/wali Mohamed Ali Gaas ayaa manta 12:30 Daqiiqo Socdaal Dhanka Dhulka ah kuyimid Magaalada Gaalkacyo Iyagoo Kaymid Magaalada Garowe oo Dhawaanahaanba ay kusugnaayeen Madaxda Dowlada KMG Somalia

Mas’uuliyiinta Galmudug oo uu Horkacayo Madaxweyne Caalin ayaa Kaga Hortagay Wafdiga Controlka Waqooyiga Gaalkacyo ee Laamiga hotel Cagaarweyne iyagoo ugalbiyey Dhanka Koonfurta ee uu Maamulka Galmudug ka arinsho

Ra’iisulwasaare C/wali Gaas ayaa Booqday Dadka Barakacayaasha ah ee Kunool Xeryaha Kuyaal Koonfurta Gaalkacyo isagoo indhihisa kusoo arkay kumanaankun oo dad ah kuna darxumaysan xeryahaas waxaana sidookale uu halkaasi uu kulakulmay dad kacabanaya Jirdil iyo raaf Waqooyiga Gaalkacyo loogu soogaystay iyagoo baqa xarar kuyimid Koonfurta Gaalkacyo Galmudug

Ra’iisul wasaaraha ayaa Markii uu Soo dhameeyey Booqashada Barakacayaasha waxaa Xaflad Soo dhaweyn ah Loogu Sameeyey Hotelka Empassy ee Magaalada Gaalkacyo Taasi oo siweyn loosoo abaabulay waxaana xafladaasi laga soojeedshay qudbado Qiimo leh

Socdaalka Galmudug ee Mr.Gaas ayaan ahayn kii ugu horeeyey waxaana kiikan kahoreeyo mudo kahor kuwehliyey Wasiirkii Hore Arimaha Gudaha Marhum C/shakur oo Lagu Dilay Qarax Muqdisho kadhacay Kaasi oo lasheegay in ay isku miidaamisay Gabar ehelkiisa ah Balse shabaab ay beeniyeen in Qaraxaasi ay Fulisay Gabadho

By:Rooble Mohamed Dirir
Chief Editor Galmudugnews
Email:suldandirir@hotmail.com

hadii aynunahay Bahda Galmudugnews  Waxaan Hambalyo Udiraynaa Wakiilka Galmudug ee Bariga Africa Hasan Jabuuti oo Siweyn maanta oga qaybqaatay Soodhaweynta Wafdiga

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.