Afhayeenka Xoogaga Ahlusuna ee Badbaadada Qaranka Somalia Khaliif Sheekh Husien oo Caawa Qadka Telfonka Ugu waramayey Galmudugews.com ayaa Sheegay in kabixitaanka Magaalada Muqdisho ee Shabaab uu salka kuhayo Taag dari soo wajahday Kadib markii bilihi Udambeeyey ay dagaal aan joogsi lahayn ay kuhayeen Ciidamada Dowlada,Kuwa Amison Iyo Xoogaga Ahlusuna Waljamaaca
Khaliif ayaa Saraakiisha Cidamada ku ladardaarmay in aysan oga harin muqdisho ee ay dhamaan dalka kasifeeyaan Malayshida Kooaxda Shabaab oo yagu maanta faarujiyey Goobihii ay kajoogen Magaalada Xamar
Dhagayso Codka Afhayeeka Xooga Ahlsuna
Jabka Shabaab waxaa soo dadajiyey Taageerada Shacab oo ay waayeen Iyo Jabka Dagaalada Kasoo gaaray ayuu yiri Afhayeen Khaliif Sheekh Husein
Sikastaba ha ahaatee Hadalka Afhayeenka Xoogaga Ahlusuna ayaa Imaanaya Xili Maanta ay Magaalada Muqdisho kabaxeen Ciidamadii Xarakada Shabaab oo In Mudi ahba Haystay intabadan waxaana ay sheegen in ay Xeel Dagaal oga baxeen


