Galmudugnews.com Magaalada Muqdisho waxaa ka jirta xaalad la mid markii ay ciidamadii Itoobiya ka baxeen magaalada Muqdisho 13-kii Janaayo sanadkii 2009, xiligaasi oo dadka ay isugu soo baxeen goobihii ay fadhiyeen intii ay is hortaagnaayeen kooxihii muqaawamada la oran jiray, dadkana aad ayey ugu faraxsanaayeen xiligaasi, maanta waxba kama duwana.
Laakiin dad badan ayaa isweydiinaya ka bixitaanka Muqdisho ee Al-Shabaab ma tahay mid ku timid awood daro soo wajahday kooxaha kacdoonka xun ka waday Muqdisho mise loo arkaa xeelad cusub oo ay degayaan?.
Su’aalahaasi jawaabtooda si aan u helo ayaa xuuraansi badan oo aan sameeyay waxaa iiga soo baxay dhowr arrimood oo kala ah:.
1-Culeys xagga Milateriga ah oo ay u dul qaadan waayeen, isla markaana hoos u dhigtay awoodii ay ku lahaayeen Muqdisho.
2-Dhaqaale daro soo wajahday maadaama halkii weerar ee ay ku qaadayaan goobaha ay ku sugan yihiin Dowladda KMG iyo AMISOM ay kaga baxdo dhaqaale cel celis ahaan dhan Boqol Kun Dollar.
3-Awoodii dhaqaale ee ay ka heli jireen Ururka Al-Qaacida oo hoos u dhacday, maadaama wakiiladii Soomaaliya iyo Geeska Afrika lagu dilay weeraro diyaaradood oo laga fuliyay gobolada Jubbooyinka, Sh/Hoose iyo weerarkii ugu danbeeyay ee lagu dilay Fazul Abdallah duleedka Muqdisho meel checkpoint oo ciidamada Dowladda ku sugnaayeen, kuwaasoo ahaa shabakad isku xeri jirtay Al-Qaacida iyo Shabaab, jabka ugu xooggana uu ka yimid meeshaasi.
4-Khilaaf soo jiray oo u dhaxeeyay maamulka sare ee Al-Shabaab, kaasoo salka ku haaya aragtida Hay’addaha samafalka ee ka howlgala gobolada dalka Soomaaliya, oo muranka weyn uu ka dhashay mamnuucida laga mamnuucay iney ka howlgalaan goobaha ay maamulaan iyo qodobo kale oo aan u arkay iney soo dedejisay ka bixitaanka magaalada Muqdisho.
Saadaasheydu waxay i tustay in awoodii Shabaab ay isu badashay ku dhafoo ka dhaqaaq sidii ciidamadii Itoobiya lagula dagaalamayay Muqdisho mudadii ay ku sugnaayeen, dagaalkaasi oo runtii ka xun marka la fiiryo kan fool ka foolka.
Waxaa kaloo ii soo baxay in ay dib u soo celin doonaan dilalkii qorsheysnaa ee Bastooladaha iyo Bambo tuuristii ay ku caan baxeen Muqaawamadii Muqdisho.
Ugu danbeyntii Tallaabadani ay ku dhaqaaqeen Ururka Al-Shabaab ayaa lagu tilmaami karaa xeelad cusub (Tabtii Daalibaan ee ku dhufoo ka dhaqaaq) oo ay u arkeen in ay isku badbaadin karaan kulana dagaalami karaan ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM, waxaase la dhowrayaa halka ay sal dhigan doonaan ugu danbeyntii.
Cali Muxiyaddiin Cali
Email: Muxiyaddiin@hotmail.com

