Galmudugnews.com- Dahabshiil waxay fasax u heysataa inay qabato dhamaan adeegyadda Maleeshiyadda Al-Shabaab ka mamnuuceen Xawaaladaha Somalia.
Dahabshiil waxaa ka furan Account lagu aruursho lacagta baasaboorka cusub ee Dowladda labada Shariif-waxaa xusid mudan in Al-Shabaab ku amreen Xawaaladaha kale inaysan dowladda u furi Karin ACCOUNTS.
Dahabshiil waxaa ka furan Account UNDP Leedahay oo bil walba lagu shubo deeqaha Dowladda gaar ahaan Mushaaraadka Golayaasha Dowladda labada Shariif sida baarlamaanka iyo Xukumadda.
Al-Shabaab waxay Xawaaladaha ku amreen inaysan qaban Karin guud ahaan lacagaha UNDP sidoo kalena u furi Karin Accounts.
Waxaa arrimahaan oo dhan u sababa xiriirka Dahabshiil kala dhaxeeya horjoogayaasha Al-Shabaab sida Axmed Cabdi Aw Maxamud Godane iyo Ibrahim Xaaji Jaamac Meecaad (Afakhani) oo ay isku yihiin qabiilka Isaaq.
Dahabshiil oo xiridii Zaad Service lacag dhan laba Milyan oo dollar ku siisay Al-Shabaab waxay noqotay gacanta kaliya ee hada taageerto Maleeshiyadda argagixisada Al-Shabaab ee gudaha Somalia ka wada xasuuqa balaaran.
AL-Shabaab dhaqaalo daro xun ayaa ku habsatay waxayna gacan ka helaan Shirkadda Dahabshiil iyo burcad badeeda Somalia oo ay ku leeyihiin saami dhan %25.
Bulshadda Koofurta Somalia degta sida qabiiladda Hawiye iyo Daarood %95 waxay joojiyeen inay lacagahooda ku dirsadaan Shirkadda Dahabshiil ,wixii ka dambeeyay markii la xaqiijiyay inay gacan siiyaan Al-Shabaab.
Somaliland oo ay ku xoog badneed Shirkadda Dahabshiil waxaa macaamiisheedii la wareegay Qaran Express,Worldremit iyo Kaah Express.
Maamulaha Dahabshiil Cabdi Rashiid Mohamed Duale wuxuu dagaal xoogan kula jiraa Xawaalada Casriga ee Worldremit ,wuxuuna Website-yadda lagu qora afka Somaliga kula xaajooday inuu lacag dhan shan boqol oo dollar siin doono hadii ay ka saaraan iidhehda WORLDREMIT laakiin inta badan waa ka diideen qorshahiisa.
Hay’adaha reer Galbeedka sida UNDP ayaa Shirkadda Dahabshiil Malaayiin Dollar ku xawilata bil walba taas oo dad badan dulsaareen calaamatu su’aal WHY?
Sharciga Xawaaladaha Caalamka wuxuu dhigayaa inaysan xawili Karin lacag ka badan laba Milyan oo dollar bishii hasse yeeshee Dahabshiil waxay bil walba Xawishaa ugu yaraan lix Milyan oo dollar!!
Xeeldheerayaasha waxay qabaan inay Dahabshiil si wadajira ula shaqeeyso Sirdoonka reer Galbeedka iyo Al-Shabaab si ay labada dhinac uga fushato danaheeda.

