galmudugnews.com

Home » WARARKA » Shirkii uu ka qayb galay Dr Yasin Ahmed Osoble oo kamid ah Madaxda Mudug University ee Caux (Conference on Humman Security) oo la soo gunaanaday

Shirkii uu ka qayb galay Dr Yasin Ahmed Osoble oo kamid ah Madaxda Mudug University ee Caux (Conference on Humman Security) oo la soo gunaanaday

Waxaa Akhrisay :2487

Waxaa la soo gunaanaday Shirkii Caux Conference on Human Security ee lagu qabtay magalada Caux,ee wadanka  Switzerland. Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen madax ka kala socotay dawladaha caalamka, ururada bulshado, jaamacadaha addunka qaarkood iyo shaqsiyaad magac kuleh caalamka wuxuuna shirkaas biloowday July 10, 2011 ayaa lagu soo gaba gabeeyey sitimaankii lasoo dhafay.

Shirkaas oo uu ka hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Switzerland wuxuu sheegay in Dawlada Switzerland ay ugu talo gashay sannadka soo socda lacag macaawino ah  oo dhan 11 billion oo Sfr oo loo qoondeeyay dhimista Abaaraha iyo sara uqadida ganacsiga si loo dhimo faqriga adduunka 4ta sanno ee soo socota. Waxaana dawladda Switzerland xogga saari doontaa dhimista fakhriga iyo Isbadalka Cimalada (Climate Change), biyaha, Gargaarka Cuntada, Caafimaadka iyo. Arimo farabadan oo la xiriira horumarinta nabadgalyada bani’aadamka (Human security).

Shirkaas Waxaa kaloo  ka hadlay Dr. Yassin Ahmed Osoble oo ku hadlayay magaca ururka Ururka Dhis-udhiska Somaliya ee Jaaliyadda Denmark (Somalisk Genopbygning Forening) iyo Jaamacadda Mudug asagoo sheegay muhimadda ay leedahay nabadgalyada bani’aadamka (Human security), waajibna ay tahay iney sii wadaan horumarinta bulshada rayidka ah (Civil society development) si cadaalad loogu wada noolaado.  wuxuu kaloo Dr. Yassin soo jeediyay in codsi gargaar (appeal) loo jeediyo Dawladda Switzerland iyo Beesha caalamka in si deg deg gargaar loola gaaro abaaraha ka jira Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan Somalia. Codsigaas oo madaxdii meesha isugu timid ay soo dhaweeyeen. Una balan qadeen in ay wax kala qabtaan arimaha u codsaday.

Waxaa gunaanadkii shirka ka hadlay Mr Muc-Marie Gnacadja Xoghayaha Fulinta(Executive secretary) ee Qaramada Midoowday ee qaybta la dagaanalka Nabaadka guurka (UNCCD), wuxuuna sheegay iney lagama maarmaan in wax laga qabto nabaadguurka uu sameeyay bani’aadamku taasoo horseeday in manta 10 million oo dad ah ay abaar iyo gaajo ugu dhimanyaan Gogoblka bariga Afrika. Bani’aadamku waa inaanu laba laabaa wax soo saarka si aanu u quudinno 9 billion oo dad ah. 10kii dhibaato, 8 ka timid ah waxay ka dhacda wadamada abaaraha iyo gaajadu ka jirto. Waxaa loo baahan yahay inaanu talaado ka qaadno oo abaabulno bulshada iyo  ururada ka shaqeeya horumarinta bulshada ilaa heerka qofka caadiga ah, waxaana naga go’an inaan gacan siinno iyo ururrada ku hawlan ka hortagga nabaadguurka iyo soo nooleeynta horumarinta beeraha si gaajada iyo abaarta looga baxo.

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.