galmudugnews.com

Home » WARARKA » Abwaan Cali Kobayare oo Warbixin ka qoray Xukumadda cusub ee Galmudug

Abwaan Cali Kobayare oo Warbixin ka qoray Xukumadda cusub ee Galmudug

Waxaa Akhrisay :2122

Waxaan ugu horeyn ku bilaabayaa Magaca Alle subxaanahu watacaala….

UJEEDO: Hambalyo iyo bogaadin ku socota dawladda cusub ee uu magacaabay madaxweyne Max´ed Axmed Caalin.

HORUDHAC:

Aasaaskii Galmudug ujeedooyinkiisa muuqda waxaa ka mid ahaa in maamulka Galmudug state la garsiiyo dhammaan gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, ka dibna looga sii gudbo gobolada kale ee dalka sida Hiiraan, Shabeelada dhexe ilaa iyo banaadir, iyo dhammaan dalka Soomalaiya guud ahaan gar ahaanna gobolada koonfureed ee dagaalda iyo maamul la´aantu ay la hareen.

Haddaba maantay waxaa la gaaray in la bilaabo wajigii koowaad ee ahaa in dhammaan beelaha walaalaha ah ee dega gobolada dhexe in laga qeyb galiyo Dawlad Goboleedka Galmudug state. Wuxuu Madxweyne Caalin magacaabay wasiiro ka soo jeeda dhamaan beelaha dega gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Waxan hadaba jeclaystay inaan ugu horeyn hanbalyo iyo bogaadin u diro Madaxweyne Maxamed Axmed Caalin iyo dawladdiisa u badan aqoon yahanada, waxaana leeyahay xilka aad qaadeen ilaahay ha idinla garab galo adinkuna noqda kuwii dadkooda iyo dalkooda daacad ugu shaqeeya.

Waxaan marlabaad u hanbalyeynayaa Madaxweyne Caalin go´aanka geesinimada leh ee uu ku dhaqaaqay, waana mid taariikhiya oo ay dhammaan bulsha wweynta reer Galmudug iyo inta wanaagooda jecelba ay ku farxeen, aniguna aad iyo aad ayaan u bogaadinaynaa una soo dhaweynayaa wasiirada cusub ee loo magacaabay dawlad goboleedka Galmudug state.

Waxaan marka leeyahay hala dhameystiro inta dhiman ee ah inay beelaha aan baarlamaanka iyo golaha guurtada ku lahayn xubno joogta ah ay soo buuxiyaan boosaskii ay ku lahaayeen baarlamaanka iyo golaha guurtada intaba, sidoo kale beelaha ka maqana loo hawlgalo sidii loogu soo dumi laha ainay ku soo biiraan dawlad goboleedka Galmudug state. Waxaan filayaa inay dhici doonto in la bilasba shaqo badan oo dhiman oo ay ka mid tahay.

  • Dhameystirka xubnaha baarlamaanka iyo golaha guurtida.
  • Isku darka ciidamada beeluhu ay leeyihiin oo loo bedelo ciidamo dawladeed tayeysan oo ku shaqeeya xeerarka iyo shuruucda u degen dawlad goboleedka Galmudug state.
  • Sugidda Amniga iyo xuduudaha dawlada goboleedka Galmudug state.
  • Mideynta siyaasada, dhaqaalaha, ganacsiga , iyo isku socodka bulshada walalaaha ah ee hoos yimaada ama ka mid ah dawlad goboleedka Galmudug state.
  • iyo waxyaabo kale o fara badan oo aanan dooneyn inaan halkaan ku soo bandhigo balse hoos imaan doona qodobadaas aan kor ku soo sheegay .

DARDAARAN:

Wasiirada cusub ee ka soo jeeda beelaha dega dhammaan gobolada dhexe ee ku soo biiray saaxada cusub ee siyaasadda dawlada goboleedka Galmudug state, iyo kuwii horay ugag tirsanaan jirayba waxaan kula dardaarmayaa inay ka soo dhalaalaan hawshaas loo idmaday ayna ka dhabeeyaan inay maamullka gaarsiiyaan meelaha ay ka soo jeedaan ee aan hada maamulku gaarsiisneyn. Waxaan kaloon oran laha yeysan noqonin kuwa la hoos gala MASUULIYADDA LOO DOORTAY HAYADO NGO-yo ah oo aan dalka iyo dadkaba wax u qaban balse doonaya inay magacooda ku shaqeystaan. Laakiin waxaa laga doonaya anay dalkood aiyo dadkoodaba u shaqeeyaan aqoontoodan ugaga faa´ideeyaan umaddaas masaakinta ah ee dagaalada, jahliga iyo abaaruhu ay aafeeyeen.

MASHRUUCA DHISMAYAASHA DAWLAD GOBOLEEDKA GALMUDUG STATE:

Maadaama hadda talaabo horey loo qaaday maamulkiina la fidiyey waxaa la doonayaa in mashruucii Dhismayaasha dawlada la dardar geliyo si dawladdu u yeelato saldhigyo iyo xarumo waaweyn oo ay ku shaqeyso, waayo hawsha iyo hogaankuba intaan hada way ka badan doonaan , waxaana la doonayaa in la helo xarumo ay ku shaqeeyaan umadda uu maamulkaanu ka dhexeeyo… Haddaba waxaan ugu baaqayaa dhammaan qurba joogta iyo ganacsatada iyo cidkasta oo ka qeyb qaadan karta mashruucaan inay si hagar la´aan ah ay ugu istaagaan una soo dedejiyaan wixii ay ugu talagaleen, lana sameeyo ummad badan oo u istaagta hirgelinta mashruucaas qaaliga ah.

GUNAANAD IYO GABAGABO:

Gunaanadkii iyo gabagabadii waxaan leeyahay walaalayaal,

Nin waliba marbuu qaadan jidhay qaanso iyo leebe
Qadhadh iyo marbuu seexan jidhay Qalanqal hoostiise
Ha yeeshee quruumaha jidhaa waa qof iyo reere
Qaabiil iyo haabiil ilaa qoomki nabi Adem
Ku qasaar haddii ruux qabiil qaran ka doonaaye
Qarnigaynu joognaa haddeer dunidan qaabeysan
Midnimaa la qaataye ka taga beesha waa qurune
Gacmaha is qabsada kheyr ayaa iman insha Allaahe.
Oo qarankii naga raagay baad goordhow soo qabane.

RAMADAAN KARIIM ILAAHAY BISHA RAMADAAN FADLIGEED NABAD IYO MIDNIMO HANAGU SIIYO..

AAMIIN, AAMIIN, AAMIIN….

Ali Hersi (Ali Kabayare).

alibashir27@gmail.com
alibashir27@hotmail.com

Sweden/ Stockholm

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.