galmudugnews.com

Home » QORMOOYIN, WARARKA » Buraanbur taariikhi ah oo loo tiriyay Habargidir

Buraanbur taariikhi ah oo loo tiriyay Habargidir

Waxaa Akhrisay :5762

Galad ilaahay ayaa guusha lagu hantaa*

Gafkana ruuxii ka dhoowrtaan gadaal maraayn*

Gidigeed somaali guud baan salaamayaa*

Guurtida Habargidir su,aal gaar iga gudoon*
Guul ma gaartaa gola mideeya cidaan lahayn?

Geesi taliyaa la waayee ma kula garbaa?

Guruuba garabuu ku biire ma kula garbaa?

Gudcur damay baa gasheene ma kula garbaa?

Gacalan is garabsanay-nin ma kula garbaa?

Go,aan ma wada qadataane ma kula garbaa?

Garaba meel inuu u guura ma kula garbaa?

Gargaar inaan laysku fidinin ma kula garbaa?

Gu,yaal tagay baan lahaa geesiyaa imaan*

Garasha dheer niman leh baa soo guntanahayaan*

Gole lagu wada midoobay gigimahayaan*

Garaafihi sharafta gaaray ka goconayan*

Gacalka goob lagu mideeyay gogolaha u dhigin*

Guruubaysiga qabiil baa gadaal la dhigin*

Guluf dhaxdoodiyo jahliga gadaal la dhigin*

Gobanimadii ayay gaar ka qabanayaan*

Gardaro ruuxii wadaa baay gacmaha ka qaban*

Gacana midnimada Gidir bay ku goobayaan*

Gacana qarankeeni guud bay ku goobayaan*

Gacalow sida ila gudboon guudka aan ka furo*

Guud ahaan gidir gama,a waa inuu ka tago*
Gudaha iyo dibada waa inay is garabsadan*
Gacalku waa inuu midoobo guntiga xirtaa*
Garaadyada iyo gurbood wiila yuusan harin*
Gabdhiyo hooyaba gamba cad waa inay xirtaan*
Gacaltooyo gidir dhaxdiisa ha loo guntado*
Gulufka ceebeed gabi waa in laga ridaa*
Godob dhaxdiina gadaal waa inaa dhigtaan*

Gasiinka midkaan helayn waa in loo gurmado*

Gubaabadan iyo waxaa guuxa iigu wacan*
Gu,yaal badan baa gabdhuhu ciil la gaabsaden*

Gacalka is gumaadayaa baan ka gubanaynaa*
Gartana kala qaadanayn baan ka gubanaayna*

Gobolaaysiga guracan baan ka gubanaaynaa*

Geesigii u kaca ayaay gawrac marinayaan*

Garaadkoodiyo Ugaaskood ma aminaan*



Gulufka raga wada waxaan gaar u oranayaa*
Galiya maankiina inaan guule idinla jirin*
Galiya maankiina gacalkiin inaa disheen*
Galiya maankiina gacmihiin inaa jarteen*
Galiya maankiina gablan Hooya inaa dhigteen*
Galiya maankiina gabdhihii gun inay yihiin*

Galiya maankiina giyigina inaad gubteen*

Galiya maankiina soomaali inaa gabteen*

Galiya maankiina dadku waa inku maadsada*

Gadaal Ugu laabtaa taariiqdii gidir lahaa*

Gidigeed habargidir amaan gaara bay lahay*

Garasho dheer iyo gar yaqaano bay lahay*

Gobanimadii ragii goobay baa ahaa*

Giisiyaal taliya iyo taargad bay lahay*

Guurti laga wada danbeeyaa u gaar ahaa*

Go.aan lagu wada midoobay gor-faayn jireen*

Garsoor iyo gole cadaaladeed ayaay lahay*

Gartay gooyaan gadaal looma eegi jirin*

Garaadyada Ceyr aqoontooda gaamurka*

Garabka diintiyo Ugaasyada lagu hirtaa*

Gartay gooyaan ayaa guusha lagu hantaa*

Gobanimadi Sacad waa kan soo galbiyay*
Guushi lagu gaaray calankeena guudka suran*
Gesiyadi noo hor seeday xornimada guud*

Gesiyaashii Saleeman La garabsan jiray*

Gumaaystaha diidayo gool ka dhalin jireen*

Gobanimadii ragii gaar ka haayn jireen*

Gobtii Saruur baan amaantooda galahayaa*

Gafkoo laga gaabsaday gaar u leeyihiin*

Garaab markii laga fishaa baysan hagar galaayn*

Gabaygu dhaxal buu ahaa waa la garabsan jiray*

Gumaaystihii gumicii tuuru garbo u ahaa*

Galiya laabtiina gurmad buu idiin yahaye*

Gabaygaan gaarsiiya Gidir geestii uu jiraba*

Gayiga Somaali iyo qaraadaha Galbeed*

Guud ahaan Afrikiyo Asiyiyo Carbaha*

Gobolada ay dagaan geela daaqsadaan*

Gobolka Galgaduud iyo Gaaraarkeeda Mudug

Gambooley iyo ragbaa guux intuu ku jiro*

Gacalow gubaabadiyo soo gudbiya murtida*

Gudcurka waxaa loo galay waa ka gaabsateen*

Goolka kii dhaliya on loo garaacin sacab*

Galinka danbe waa gafaayo ma gaardin karo*

Gubaabada badiya ayaga gilgilanayee*

Gabagabadiina guulaan idiin baryaa*

Go,aan inaa qaadataan diinta garabsataan*

Gidigiin isku uur inuu guule idinka dhigo*

Godka lagu dhacay inuu guule naga baxshaa*

Gaanka lagu faanayaa guule naga baxshaa*

Garaadku inuu sheqeeyo is garabsataan*

Gurboodka isku goodinahaya hal garab noqdaan*

Garaad daacadihi gidigiin ha idin matalo*

Gabi ha laga tuuro Guruubaysigiyo Jufada*

BY. Sucaad

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.