galmudugnews.com

Home » WARARKA » Gudoomiyaha Xisbiga “SPDU” oo Warsaxaafadeed ka soo saaray Xaalada dalka & Abaaraha

Gudoomiyaha Xisbiga “SPDU” oo Warsaxaafadeed ka soo saaray Xaalada dalka & Abaaraha

Waxaa Akhrisay :970

Galmudugnews.com- Gudoomiyaha Xisbiga  Midoowga, Nabada, Dimuqraadiga Soomaaliyeed Mudane Abdullahi Sheekh Hassan ayaa si qotto dheer uga hadlay Abaaraha ka jira Somalia iyo arrimo xasaasiya

Gudoomiyaha Xisbiga Somali Peace and Democratic Union Shirkiisa Jaraa’id ugu horeeyn waxuu uga hadlay maanta xaalada uu dalka ku sugan yahay asagoo si qoto dheer uga hadlay xaalada abaaraha ee dalka ka jiro waxuuna Xisbigu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in laga qeyb qaato samata bixinta iyo gurmad walaalaha barakacayaasha ah ee ku soo qulqulaya Magaalada Caasimadda ah Muqdisho waxuuna shegay in loo gurmado Xisbigu.

Mudane Abdillahi Sheekh Hassan waxuu ku baaqay kaalmooyinka ka imanaya Jaaliyadaha iyo kuwa Dowaldaha gurmadka fidinaya in si toos ah loo gaarsiiyo dadka dhibaateyna oo laga daayo Guddi hebal ayaa arintani wado Dowlada gudigaas ayeey magacaawday iyo warar sidaa ah ee warbaahinta la is tustusaya.

Gudoomiyuhu waxuu hoosta ka xaqiiraya in  Sadaqa ay tahay mid la qariyo oo qofka anan la sheegin magaceeda oo dadka dhibaateysan toos loo gaarsiiyo waxuu kaloo sheegay in si daacad ah loo gaarsiiyo dadka loogu tala galay kaalmooyinka ka imaanaya Walaalaha Soomaaliyeed ee dibada jooga iyo Dowladaha daneeynaya gar gaarka dadka loo fidinayo.

Dhanka kale Gudoomiyaha waxuu ka hadlay Dagaalada maalaayacniga ah ee ka dhacaya Magaalada Muqdisho asagoo eedeyn dusha kaga tuuray Kooxda Alshabaab ee dagaalada ka wada goobaha ay ku sugayihiin dadka dhibaateynsan ee maanta u baahan gurmad oo anan u baahneyn dagaal waxuuna u diray baaq ah in ay ka daayaan xabada ay ka dul gamayaan kadibna ay Amisom soo tuureyso Madaafiic waxuuna sidoo kale baaq kan la mid ah u diray Ciidamada Dowlada waxuuna sheegay in ay ka fogaadaan goobaha dadka barakacayaasha ay ku sugan yihiin si ay meshaas dagaalo uga dhicin.

Isku soo wada duub Gudoomiyaha Xisbiga Midoowga, Nabada, Dimuqraadiga Soomaaliyeed ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano “SPDU” Mudane Abdullahi Sheekh Hassan waxuu baaq u diray Dowladaha Islaamka iyo inta daneeyneysa Arimaha Somalia in ay gurmad deg deg ah la soo garaaan dadka ay Abaaruhu saameeyeen waxuuna ugu baaqay gudiyada faraha badan in ay ka daayaan dhibka dadka gurmadka loo fidinaya ayna toos u siiyaan waxii loogu tala galay walaalaha dhibaateeynsan.

Xafiiska Warfaafinta ee Xisbiga Midoowga, Nabada, Dimuqraadiga Soomaaliyeed. “SPDU”
Magaalada Muqdisho Somalia:
www.spdu.info
Email: info@spdu.info

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.