Abduulahi Jama Hussein,ku dhashay Dhuusamareeb sannadkii 1953,wuxuu dugsiga hoose ka billaabay magaalada Dhuusamareeb sannadkii 1961, dabadeed wuxuu usoo wareegay magaalada Beletweyne oo uu joogay ilaa sannadkii 1964 halkaas uu kasii watay waxbarashada dugsiga hoose.
Sannadku markuu ahaa 1965 wuxuu ku biiray Colleggio Ferrari ee ku taal Muqdishu taasoo wax looga baran jiray afka Talyaaniga wuxuuna dhammeystay dugsiga dhexe sannadkii 1968. Sannadku markuu ahaa 1969 wuxuu galay Dugsiga Sare ee Dhagaxtuur oo uu ka qalin jabiyey sannadkii 1972. Wuxuu durba ku biiray Kulliyadii Dhaqaalaha ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliya oo markaas ahayd kulliyadda keliya ee Soomaaliya ka jirtay waxna looga baran jiray afka Talyaaniga wuxuuna jaamacadda dhammeystay isagoo ka mid ah Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo uu ku dhammeystay layli sarkaal(allievo officiale),laakiinse asaga iyo laba qof oo kale oo jaamacadda ka qalin jabiyey sannadkii 1977 laga wareejiyey Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. Wuxuu ku guuleystay inuu ka qaato shahaadada BA (Hons) in Economics.
Wuxuu kasoo shaqaayey Wasaaradda Warshadaha iyo Ganacsida oo uu ka gaaray derajada Agaasime(Director),Wakaaladda Hargaha iyo Saamaha oo uu ka noqday Agaasimaha Ganacsida iyo Warshaddii Hargaha iyo Kabaha ee KM7 oo uu ka noqday Maareeye Guud(1983-1990). Kaddib markii uu jaamacadda ka baxay(1977),wuxuu waxbarasho takhasus ah(Post-Graduate)kusoo qaatay dalalka Ciraaq,Austria iyo dalka Ireland ,halkaas oo uu ka qaatay shahaadada Masters Degree(merit) iyo Diplomayaal kala duwan(1978-1982). Wuxuu dalkan Ingriiska kusoo laabtay 1995kii taasoo uu ka sameeyey ganacsi meherado kala duwan sida (telecommunications,internet business,household goods,etc),wuxuu kaloo kasii watay tacliintii jaamacadda asagoo ka qaatay City University London shahaadada Masters Degree(merit) in International Politics and Human Rights,wuxuuna hadda ku dhex jiraa daraasadda Doctorate( PhD) oo uu bug ka qorayo arrimaha Soomaaliya isla Jaamacadda City University London. Wuxuu ka mid ahaa asaayaashii Galmudug State ee tagay dalka sannadkii 2006,asagoo markasta ahaa xubin firfircoon arimaha siyaasadda Galmudug iyo Soomaaliya guud ahaan.
Abdullahi Jama wuxuu caan ku ahaa maqaalada kusoo bixi jiray website-yada sida; Waagacusub,Hiiraan Online, Mahiigaan,Codka Mudug,Wardheer News,Markacaddey iyo kuwo kale ama ka raadi google-ka ayadaa kuu soo baxaysee.
================

