Galmudugnews- Garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde International Airport ayaa lagu xiray nin ka tirsan shaqaalaha diyaaradda Jubba Airways oo watay boorso ay ka buuxeen qalabka loo adeegsado walxaha qarxa.
Sarkaalka ka tirsan shaqaalaha Jubba Airways ayaa doonayay inuu Boorsada mariyo meel ka baxsan goobaha lagu baaro boorsooyinka, waxaana qabtay ilaalada gaarka ee garoonka oo Eeyaha wax uriya watay.
Sarkaal u hadlay Nabadsugida Garoonka Muqdisho ayaa Saxaafadda u sheegay in qalabka ay qabteen loo waday Al-Shabaab,isagoo dhinaca kalena tibaaxay inay mudo ku daba jireen diyaaradda Jubba Airways .
Masuuliyiin ka tirsan shirkadda Jubba Airways oo arintan ka hadlay ayaa sheegay in qalabkan ay ogyihiin islamarkaana loo waday shirkad taleefano oo magaalada Galkacyo ka howlgasha.
Jubba Airways ayaa ka mida Shirkadaha lagu tuhunsan yahay inay la shaqeeyso argagixisadda Somalia,waxaana la xaqiijiyay inay tahay Shirkadda daabusha ajnabiyiinta ka dagaalama gudaha Somalia ee Alqaacida.
By Abdi Guled

