Muqdishu (Galmudugnews.com) Maleeshiyadda Al-Shabaab ayaa dil ku xukumay Milkiilaha Shirkadda Filimadda ee Jubba Color Somalia sida uu Afhayeenkooda Cali Dheere ka sheegay khudbad uu ka jeediyay Xeradda Maslax ee Duleedka Muqdisho.
Milkiilaha Jubba Color oo lagu magacaabo ISADIIN MUSTAFA SA’AD ayey Al-Shabaab ku eedeeyeen inuu dhalinyaro badan baray sida Filimada loo sameeya iyo habka wax loo sawiro.
Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere wuxuu sheegay in Shirkadda Jubba Color ay qaniimeeysteen Mujaahidiinta si loo baabi’iyo qalabka Sawirada lagu cadeeyo.
Milkiilaha Jubba Color ISADIIN MUSTAFA SA’AD ayaan la ogeyn meel uu cirib iyo Jaan dhigay hasse yeeshee dhalinyaro la shaqeeyn jirtay ayaa Galmudugnews u sheegtay in ISADIIN diiday qorshe ay Alshabaab ku dooneysay inay labadiisa wiil ku askareeyso.
“ Lacagta bil walba laga qaado Ganacsatada Muqdisho xitaa wuu diiday ISADIIN MUSTAFA SA’AD sidoo kalena wuxuu diiday in labadiisa wiil dagaal galaan,hada waxay ku xukumeen dil,waxayna ku tuhunsan yihiin inuu Kenya u baxsaday’ayuu yiri Mohamed Omar oo ka mid ahaa dhalinyartii uu wax baray ISADIIN MUSTAFA SA’AD .
ISADIIN MUSTAFA SA’AD wuxuu Muqdisho ka furay Xarun lagu barto habka loo sameeyo Filimada iyo sawirada Pinnacle,wuxuuna ahaa ninkii ugu horeeyay ee Somalia ka hergeliyay laga soo bilaabo burburkii dowladda Somalia 1990 –kii.
By Mohamed Abdirahman
Mogadishu-Somalia

