galmudugnews.com

Home » WARARKA » Dahir Alasow oo Hees u sameeyay Mareeg State of Somalia

Dahir Alasow oo Hees u sameeyay Mareeg State of Somalia

Waxaa Akhrisay :3754

Milicsiga indhaha,

kala mudan dhulkee,

Miyi daaqsi wacan,

Magaalo iyo xeeb,

Mohashada runtaa,

Waa Mareeg State.

———-

Maax iyo Udgoon,

Malaay nuuc kastaa,’

Caana malaba iyo

Xoolo hilib macaan

meesha lagaa helaa,’

Waa Mareeg State

——

Marwo toosanoo
Reerka maamushiyo
Hooyo hadal macaan
Gabdha muuna wacan
Maashaa allee
Meeshu lagu yaqaan
Waa Mareeg State

———————

Maciin iyo xaqdhowr,

Dad la magansadoo,

Marti soor yaqaan,

meesha ay degaan.

Waa Mareeg State,

————————

Maamus Xornimo,

Dhul Macruuf ah,oo,

Mooryaan laheeyn,

Maamulada dhamaan ,

Mudan Hooyadeed,

Waa Mareeg State.

——ma dhamaan wali—

Erayadda Heesta Mareeg State waa hordhac waxaana lagu taageerayaa maamul goboleedka Mareeg State.inshaa allaah dhawaan ayey soo bixi doontaa.

Heesta waxaa sameeyay Dahir Abdulle Alasow

Kala xiriir:+31684863567

daa@waagacusub.com

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.