-Galmudugnews.com- Ra’isulwasaarre Farmaajo ayaa qoobka Ciyaar siyaasaded ugu jira sidii uu ku fashilin lahaa heshiiskii lagu saxiixay Magaaladda Kampala ee nuxurkiisu ahaa inuu xilka Ra’isulwasaarenimada iska casilo si loo dhiso Xukumad ku dhisan hanaanka awood qeybsiga ee garabyadda TFG iyo ARS ee ku gaareen Djibouti dabayaaqadii 2009.
Mohamed Abdullahi Farmaajo oo hindisaha iscasilaada ka aqbalay beesha Caalamka ayaa markii uu Muqdisho ku laabtay sii xoojiyay abaabulkii uu ku diidanaa inuu xilka iska casilo wuxuuna lacago dhan Nus Milyan Dollar ku bixiyay sidii dibadbaxyo lagu taageeraa looga dhigi lahaa Caalamka oo dhan.
Ra’isulwasaarre Farmaajo oo Tel Conference kula hadlayay qurbo joogta beesha uu ka dhashay ee Daarood wuxuu ugu bishaareeyay inuu ka laabtay qorshahii iscasilaada,sidaas darteedna looga baahan yahay inay abaabulaan banaanbaxyo waaweyn dal iyo dibadba.
“ Hawiyaha intooda badan waxay la safan yihiin Shariif Sakiin sida Cabdi Qaybdiid,Muuse Suudi,Maxamed Dheere,Maxamed Qanyare,Cumar Finish iyo Xildhibaanadooda laakiin aniga iyo Cabdi Kariim Jaamac ayaa ka taageero badan xaga qabiilkooda,waxaa banaanbaxyada u xilsaarnay Tarsan,waxaana idiin sheegayaa in Shariif Sakiin ku soo laaban Karin dalka”ayuu yiri Farmaajo oo la hadlayay Qaar ka mida qurba joogta beesha Daarood.
Wada hadalka Telefoonka kuma jirin qof u dhalatay beesha Majeerteen hasse yeeshee waxaa ka buuxay qabiilada kale ee Daaroodka,sida ay Galmudug u sheegeen Masuuliyiintii ka qeybgashay.
“Sharuud adag ayaan ku xirnay aqbalida heshiiska taas oo ah in la horgeeyo baarlamaanka,waa arrin adag,waxaan ognahay inuu Shariif Sakiin aqbaleeyn maxaa yeelay hadii uu Xamar yimaado oo baarlamaanka kulansiiyo,waa hubaal dadweynaha ayaa ugu dhacaa meesha ay ku shirayaan”ayuiu hadalkiisa ku koobay Farmaajo.
Heshiiska ay wada saxiixeen labada Shariif,Madaxweynaha Uganda iyo Ergayga Qaramadda Midoobay u qaabilsan Somalia wuxuu dhigayaa in Ra’isulwasaraha isku casilo 3 maalmood gudahood,wuxuuna sidoo kale meesha ka saarayaa in la qaban karo kulan mooshin baarlamaan.halkaan ka akhri.
Gulufka Xulufadda Farmaajo waxaa garab socda inta badan Xildhibaanadda Baarlamaanka Somalia oo ku adkeeysanaya inay doorashadda Gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxtooyadda dhici doonto dhamaadka bisha Augusto ee sanadkaan 2010
Ergayga Qaramadda Midoobay u qaabilsan Somalia Amb Mahiga ayaa sheegay inay kulan deg dega yeelan doonaan Maalinta Isniinta si looga hadlo foowdo siyaasadeedka ay xulufadda Farmaajo ku burburinayaan heshiiskii lagu saxiixday Kampala.
“ Heshiiskaas wuxuu dhigayaa xeer Ciqaabeedkiisa,waxaana lagu qaadi doonaa cidii ku xadgudubta ee ka weecato inay ugu dhaqanto sida uu yahay,anagu waxaanu sugeeynaa inuu Farmaajo isku iscasilo xilligga loo qabtay”ayuu yiri Amb Mahiga oo la hadlayay Galmudugnews.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu wadaa inuu Maalinta Salaasada qabto Shir Jaraa’id ,wuxuuna ka hadli doonaa banaanbaxyadda ay abaabulayaan Xulufadda Farmaajo.
Madaxweyne Shariif ayaa laga yaabaa inuu is casilo ,hadii aysan xaalada wax iska bedelin 48 gudahood.
Si kastaba ha ahaatee Xeeldheerayaasha waxay qabaan in heshiiskii Kampala u muuqdo fashil,waxayna dhinaca kale qabaan in doorashada qabsoomi karto Augusto.
By Rooble Mohamed Dirir
Galmudugnews Chief editor

