galmudugnews.com

Home » XULKA Galmudugnews » Gabay Taariikhi ah oo ku socda Dabadilifyada Ina Xogolof

Gabay Taariikhi ah oo ku socda Dabadilifyada Ina Xogolof

Waxaa Akhrisay :6226

-Adaa Daahirow ku abtirsada doorarkii Sacade
Adigaa durriyaddaadu tahay Maxamed Daauude
Adigaa digtoorkii ku dhalay diiranaan jiraye
adigaa degaankaagu yahay Daafahaas Muduge
adigaa dadkaagii dhamaan dunida joogaane
adigaa digriga lugugu habay Diinta Eebahaye
adaa Geesi daacada ah oo Hooyo dihataaye
adaa duhur dharaareed la baxay Daahir Calasowe

adigaa sharciga dawligaa daabocoo qora e
adigaa dastuurkiyo yaqaan dawga loo mara e
adigaa la dacal qaadi kara Dunida maan taahe
adigaa xumaantii la dado daaha soo roga e
adigaa daruus adag u dhiga  Nacas Danaanaahe
adigaa ninkii ku dulmiyaa dib u shalaayaaye

Islaamaha Durbaanada sitiyo Dawdaradan dhooban
darbi jiiftadii ina Khaliif laga dux roonaaye
curadkeedi habar uu is dilay daqarna uu gaaray
oo uu naftiisii daldalay caro daraadeeda
doolaaladay kuugu timid wow damiir xuma e
Qalabxoorba dalawduu ku dhacay Daaqilkaa jabaye
Duqdii Carabku Duug-duugay buu darin la jiifaaye

Ina Xogolof waa kaa Dan biday dalab Haweeneede
Dirka Sacad ma soo galo nin ay Dumar u hiilshaane
ceebtiisi baa dibada timid daba galkaagiiye
Durba waa la soo helay waxay damac sanaayeene
Dadku Muuqa way saga eg yahay kalase duug roone
Abidkood ma wada daaqi jirin Deero iyo Cawle
Dawacaduna Aar Loog dishay doca wareegtaaye
Darajana ILLaahay ma simin adiyo duulkaase
waxba gabayga yay soo dir dirin Dacawashiirkaahe
waligood dariiq laga gudbay dagi yaqaaniine
dacwadaha Islaamkiyo Sunuhu deeqi mahayaane
danta Caamigaah iyo wanaag uma dareeraane
dulmigay u Saaxiib yihiin Daa’in abidkoode
waa duul ILLAAHAY diloo dayriyoo nacaye
Dayuusiinta Cali Yuusuf dhalay haw Damiir nixine
waxba Gabaygu yuu ila durkine aan dagaan dago e
Maantuu Danjirihii maqnaa daarta soo galaye
Dib baa loo gocdaa xaajadaan laga digtoonaane
Dul-qaad yeesha reer Damac-xumow Diriri waa kowe

Macnaha Erayada qaarka  Adag

Aar Loog dishay =Libaax Neef wayn  Dishay, Dawacaduna waa aga martaa si ay wixii uu soo reebo u feenato

Deero iyo Cawl waa Ugaarta laba nuuc oo ka mid ah oo aan wada daaqin

Dacawashiir=Wax Qurun badan

khadija xaaji farax nuur

By khadija run sheegto

khadijarunsheegto@hotmail.co.uk

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.