galmudugnews.com

Home » WARARKA » Safarkii Gobolka Hobyo ee Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamanka

Safarkii Gobolka Hobyo ee Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamanka

Waxaa Akhrisay :3982

Galabnimadii Arbacada ee 9 February Ayaan Ka Ambabaxay Magaalada Gaalkacyo Anigoo Qayb ka ahaa Wafdi Uu Hogaaminayey Gudoomiyaha Golaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Galmudug State Mudane Hassan Mahamuud Hayl

Magaaladii Ugu horeysay ee Aan Istaagno ayaa Ahayd Magaalada Ceel Guula,Ceel guula Inkastoo aysan Ahayn Magaalo Weyn ayaa Hadana Markii aan Galnay Magaalada oo ahayd Xili Habeen ah Waxaan layaabnay aniga Iyo Wafdigii Dowlada in Lix saac oo habeenimo aan aragnay Askar Amniga Sugaya Taasi oo aan Xitaa Laga Helikarin Gaalkacyo oo Xarun U ah Maamulka Galmudug.

Sidoo kale Magaalada Ceel Guula Waxyaabaha Ay kaga horeysay Magaalooyinka Galmuudg ayaa ah Wax barasho aan Caadi ahayn oo Magaalada Kajirta

Subaxnimadii ayaan Magaalada Katganay anagoo Kuhakanay Degmada Wisil ,Degmadasai Waxay iila Muuqatay in ay tahay mida ugu Dadka badan leh Magaalooyin Marka aad aragto Cimiladeeda iyo qaabkeeduna yahay sida muqdisho,Geedka looyaqaan Geed yuhuudka iyo tiinka ayaa magaalada si aan caadi ahayn ooga baxay Balse Marka Dhinaca kale Laga eego Waxaad magaalada ku arkaysaa Dhalinyarada oo Wadooyinka Dhooban Waxbarshadana Kagaabiyey

Mar aynu Boonaqay Dugsiga Wisil ayaa Halkaasi Waxaa kulakulanay arday aan tiro badnayn iyo labo macalin oo qura, Wasiirka Waxbarsahada oo qayb ka ahaa Wafdiga ayaa arinkaasi qaadan waayey islamrakaasina kubaraarujiyey ardayada iyo macalimiinta in ay wax laga badalo qaabkaan wuxuuna yiri( wisil oo magaalada u gu weyn magaalooyinka islamarkaasina waxaa kunool dad ku dhow Kun qof xalna manoqonaysa in intaan ay waxbarashada kasoo aadaan )

Intaasi kadib ayaa Waxaa markaasi dib u bilowday Socdaalkeenii kuwajahnaa Hobyo Subaxnimadii Khamiista ee 10 February ayaan kabaxnay Wisil anagoo fooda saarnay Degmada Gawaan oo ah Magaalo u dhaxaysa Wisil iyo Hobyo

Gawaan waa Magaalo dalcad saaran Waxana ay u kalaqaybsan tahay labo qayb oo uu kalajaro biyo mareen layiraah Warqabto Halka Dadka Qaarna ay u yaqaanaan ADNA LAJIR

Gawaan Kuma noola Dad badan laakiin waa magaalo kufiicnaa lahayd dalxiiska Hadii u Dhulku Barwaaqo ahaan lahaa markii aad aragto Goobaha Dabiiciga ah ee kuyaal gawaan Sida ay ugu wanaagsanaan laheyd in loo soo dalxiis Tago

Kuma aanan hakan gawaan ee safarkeenii kuwajahnaa magaalo madaxda Gobolka hobyo ayaan siiwadanay,Waxaa xusid muidan in jidka u dhaxeeya Gawaan iyo Hobyo uu yahay jid aad u dilan oo raf ah wadadii rasmiga aheyd ee u dhaxaysana baabuurtu ma mareen ee wadooyin qardajeex oo bacaad ah ayey maraan Mana tagi karo hobyo gaari aan Ridooto lahayn

Saacado kadib ayaan Hobyo gaarnay Waxaana Nagu soo dhaweeyey Shacbi farabadan oo kunool degmaasi ayagoo noomujinayey In ay kufaraxsan yihiin Imaatinkeena

Maamulka Degmada ayaa nadajiyey Guri aad bilicdiisu ay u wanaagsanatahay Islamarkaasna martiqaad fiican noosameeyey,Mudo ayaan nasanay kadib daalkii uu nagu reebay safarkii dheeraa ee Gaalkacyo kasoobilownay

Galabnimadii ayaa Waxaan bilownay in aan Kulamo layeelano Waxgaradka Iyo Bulshada Degmada Hobyo Afar Cisho oo kulamadaasi ay noosocdeen loogana wadahadlayey sida loosamaynayo maamul cusb oo aay yeelato degmadaasi Kulamo badan kadibna waxaa noosuura gashay in lagu guulaysto Maamul lagu wadaqanacsan yahay oo loosameeyo Degmaasi

Intii aan joognay Magaalada Hobyo ayaa Waxaa inoo suurta gashay in aan booqano Xraumo ay lahayd Dowladii hore ee Somalia Sida Xarunta Gudoomiyha Degmada Istaalka Hobyo Saldhiga oo dhamaantood ahaa kuwa bur bursan cidnana aysan dagayan walow saldgiga ay daganaayeen Ciidamada Amaanka ee Hobyo Waxaana dib u sii Wadanay Safarkeenii ku aadanaa Degmooyinka Gobolka Hobyo

Degmada Wisil oo aan horey u marnay ayaan markale kusoo laabanay anagoo bilownay kulamadii aan laqaadanaynay waxgaradka Deegaanka

Wisil oo ah Magaalo dad badan ayaa Waxaa Lakulanay Caqabado farabadan oo naga soowajahay Dadka Deegaanka kuwaasi oo Cabasho kamuujinayey Hanaanka Dhismaha Maamulka Degmaasi

Markii aan Intaasi Aragnay Waqtibadan isagama aanan lumin waxaana ogayn degmooyin kale ee nasugaya waxaana durbadiiba u kicitinay Degmada Xeero Dhagaxleey,Degmaasi Waxaa kajiray Maamul ay samaysteen Dadka Deegaankaasi Waxaana kulamo saacado qaatay kadib laysku afgartay in gudigaasi si KMG ah u siishaqeeyo

Kadib ayaan Gaar nay Degmada Ceel dibir,waxaa ay kamid tahay degmooyinka laf dhabarka u ah Gobolka Hobyo markii aad dhexmarto waxaad arkaysaa wadooyin waaweyn oo Guri walba hormarta Mana jirto wado kutaal degmaasi oo kayar Toban miter

Sidoo kale Waxaa booqanay Ceelka biyaha ee Ceel dbir Waxaana uu ahaa mid layaab leh In Marwaxad Loo Isticmalayay Ceelka Halka Lga isticmaali Jitay Matoorka

Ispitaalka Ceel dibir oo uu Dhisay ALAHA u naxariistee Sh.Xasan Xuseen Naaleeye Ayaa Waxaan kulakulanay Maamulka Iyo Dhaqaatiirka Ispitaalka Waxayna i noosheegeen in Ispitaalku uu yahay mid si Lacag la ‘aan ah U fuliya Adeegayada Caafimaadka Waxayna Intaasi kudareen in aysan jirin Cid Caawisa Marka laga reebo Sheikhii dhisay dadkiisa ,Maamulka Ceel dibir oo ahaa mid dadku ay kuwada qanacsanaayeen ayaa isna si KMG ah usii shaqayndoona

Galabnimadii Arbacada ee 16 February ayaan kasoo baxnay Ceel dibir Waxaana Sitoos ah u soo abaarnay Gaalkacyo inagoo soogalnay 8 :25 habeenimo Magaalada Gaalkacyo Waxaana Safarkeenii uu Noqday mid Mira Dhal ah Maadaama aynu maamulo lagu wadaqanacsan yahay aynu kasoo samaynay Degmooyina Gobolka Hobyo

Rooble Maxamed Dirir

Roobledirir@hotmail.com

Tel-0025290612698

2 Responses to " Safarkii Gobolka Hobyo ee Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamanka "

  1. anab says:

    Masha alaah ilaahey ha ila garb galo dadaalka aad dooneysaan in aad umaddiina wax ugu qabataan. Waxbarashadu waa saldhiga nolosha “Aqoon la’aan waa iftiin la’aan”

  2. Canada says:

    ow guriye mudane tafaftire waan kaagamahd celinayaa Shaqada aad u hayso Bushada reer galmudug Muwaadin Dhab ah ayaa tahay

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.