galmudugnews.com

Home » CAYAARAHA » Arsenal oo madax xanuun qaaday & Man City oo halgameysa.

Arsenal oo madax xanuun qaaday & Man City oo halgameysa.

Waxaa Akhrisay :1252

Kulamadii horyaalka Ingiriiska ee Preimer League ayaa maanta ahaa ciyaarihii ugu xiisaha badnaa, iyadoo kulamadii la ciyaaray kooxaha wada kulmay iska dhaliyeen goolal fara badan, waxaana ciyaarihii maanta la ciyaaray la iska dhaliyay ilaa 30-gool, waxaana ciyaartii ugu yaabka badneyd aheyd tii dhex martay Arsenal iyo Newcastle.

Kooxda Arsenal ayaa madax xanuun iyo caro xoogan kala caraabtay garoonka kooxda New Castle St. James’ Park, kadib ciyaar qeybtii hore ay isa siisay guul, hase ahaatee qeybihii dambe ay wax badan is badaleen.

Wiilasha Arsenal ayaa bilowgii hore ee ciyaarta ku bilowday dar dartii iyo fakataxdii lagu yaqiinay, markii ciyaarta daqiiqadba socotay ayaa xiimaaye Walcot gool ugu shubay Newcastle, kaasi oo ahaa kii hawada ka qariyay.

Labo daqiiqo kadib Newcastle oo jihada ka wareersaneyd ayaa gool labaad loogu daray, kaasoo uu taageerayaasha Arsenal ku farxad geliyay Ciyaaryahan Djourou, oo dhaliyay gool isku dhiib dhiib soo maray.

Arsenal oo aad mooday inay ka faa’ideysanay tagistii geesigii liijaanka u hayay Newcastle ee ay ka iibiyeen Liverpool Andy Carrol, ayaa toban daqiiqo markee ciyaarta ku sineyd gool 3aad dhalisay, kaasoo uu qalinka ku duugay ciyaaryahan Van Persie.

Xowliga Arsenal ku socotay ayaa waxaa uu niyad sami geliyay taageerayaasheeda iyo macalinkooda Arsene Wenger oo aad ula dhacsanaa qaab ciyaareedka ciyaaryahanadiisa, waxaana daqiiqadii 26aad goolkii afaraad dhaliyay ciyaaryahan Van Persie oo dar dartiisa aheyd mid aad loola yaabanaa.

Sodonkii daqiiqo ee qeybta hore qof walba waxaa uu aaminsanaa in Arsenal rikoor goolal ah kala soo hoyan doonto garoonka St. James’ Park, laakiin qof walba ma ogeyn in xaalka is badalayo, ciyaar waa gelin dambena tahay.

Qeybtii hore eyaa lagu kala tagay afar gool iyo waxba oo Arsenal jeebkeeda ku sii ridatay guusha saddexda dhibcood, hase ahaatee Newcastle ayaa qeybtii labaad waxoogaa madaxa la soo qaaday, iyadoo isku dayday in sidii qeybtii hore ee tobankii daqiiqo u horeeyay oo kale aan shabaqeeda lagu fatihin.

Arsenal oo ay ka muuqatay is mahdin ayaa waxaa ciyaarta laga saaray ciyaaryahankooda qadka dhexe ee Abou Diaby, waxaana kaarka cas ee Diaby uu furaad u noqday Newcastle, halka Arsenal uu tacab qasaaro ku riday.

Daqiiqadii 68aad ayay heleen Newcastle gool rigoore ahaa, kaasoo uu qalinka ugu duugay Joe Barton, waxaana goolka ahaa mid si tartiib mugdiga uga soo saaray, waxaana todobo daqiiqo kadib ay heleen gool kale oo uu saxiixay Best, iyadoo xaalka sidaas joogo oo ciyaarta la kala marayo 4-2 ayaa Newcastle mar kale u soo caraftay neecaaw udgoon badan, kadib markii ay heleen gool rigoore kale oo uu saxiixay ciyaaryahan Joe Barton.

Tan iyo wixii goolkaas 3aad ka dambeeyay Newcastle waxay bilowday inayba xataa niyeysato inta Arsenal bareejeyso ay gool kale u saariso, hase ahaatee ma dhicin, waxayna goolkii bar baraha ayay ku keentay si xarago leh, kaasoo markii labo daqiiqo ay ka harsaneyd looga naxsaday.

Ciyaartooda Arsenal ayaa dhamaadkii ciyaarta la arkayay iyagoo madaxooda hoos u foorara, isla markaana iska lumiyay guul farqahooda ku jirtay, inkastoo Arsenal muujisay in aanay tabin Samir Nasri, ayaa hadana dul duleeda qaar ee muuqday la dareemi karay.

Manchester City ayaa weli ku jirta tartanka horyaalka, markii 3-gool iyo waxba ay ku luq luqatay kooxda Westbromwich Albion, waxaana saddex gool oo labo ka mid ah Rigoore aheyd saxiixay Kabtankooda Carloz Tevex.

Sidoo kale kooxda Tottenham ayaa guulaheeda bilowday, kadib markii ciyaaraheedii u dambeeyay gaabis aheyd guulaheeda, waxaana labo gool iyo gool ay ku dirtay kooxda Bolton Wonders, waxaana gool rigoore ahaa ugu bilaabay xidigooda Van der vaart daqiiqadii 6aad, hase ahaatee 3-daqiiqo kadib ayaa rigoore kale oo loo dhigay uu qasaariya, Bolton ayaa iska bar bareysay waxaana u dhaliyay ciyaaryahanka ay ka keensatay todobaadka Chelsea Sturridge, hase ahaatee dhamaadkii ciyaarta ayaa Tottenham heshay guushii kal luntay.

Kulamadii maanta ayaa ahaa kulamo goolal fara badan la iska dhaliyay, waxaana kooxaha ciyaaray ay iska dhaliyeen ilaa 38-gool, kulamadii maanta kaliya.

Ciyaaraha kale:
Stoke C.vs Sunderland 3-2
Aston Villa Vs Fulham 2-2
Everton Blackpool 5-3
Manchester C. West Bromwich 3-0
Newcastle U. Vs Arsenal 4-4
Tottenham H.  vs Bolton W. 2-1
Wigan Athletic vs Blackburn R. 4-3

1 Response to " Arsenal oo madax xanuun qaaday & Man City oo halgameysa. "

  1. This is Informative. Thanks.nice story because i know her mrs sahra dahir mire

Leave a comment

You must be Logged in to post comment.